Carruur Xoolo La Nool Iyo Kuwo Duur Joog Noqday Oo La Soo Badbaadiyay

Urur xuquuqda carruurta u ololeeya oo ka jira dalka Hindiya ayaa soo bandhigay laba carruur ah oo ay sheegeen inay ka soo badbaadiyeen, xaalado qalafsan oo ay ku noolaayeen labadan carruurta ah ee aadka da’doodu u yar tahay. Continue reading “Carruur Xoolo La Nool Iyo Kuwo Duur Joog Noqday Oo La Soo Badbaadiyay”

Advertisements

Injineer Guri Uu Meel Qarsoodi Ah Ka Dhistay Hal Xidhaale Ku Noqday Maamulka Magaalada Valencia Ee Dalka Spain

Injineer u dhashay dalka Isbayn ayaa si qarsoodi ah guri uga dhistay biriish ku yaala magaalada Valencia ee dalka Spain, waxaanu gurigan oo uu injineerkani ku sheegay xafiiskiisa u gaarka ah, kaga dhuuntaa ceeryoonka magaalada iyo saxmadeeda. Continue reading “Injineer Guri Uu Meel Qarsoodi Ah Ka Dhistay Hal Xidhaale Ku Noqday Maamulka Magaalada Valencia Ee Dalka Spain”

Bisado Guryo Iyo Hanti Boqolaal Kun Oo Dollar Dhaxlay

Akhriste Sheekada xayawaano lacag, guryo, gaadiid iyo hanti kala duwan ka dhaxlay dadkii rabaysan jiray, maaha mid ugub ku ah dalka Maraykanka, waxaana marar kala duwan dhacday in xayawaano kuwa dab joogta loo yaqaano ee aadamigu rabaysto ahi ay hanti badan ka dhaxleen dad waayeel ah oo rabaysan jiray. Continue reading “Bisado Guryo Iyo Hanti Boqolaal Kun Oo Dollar Dhaxlay”

Ilma Yar Oo Ku Dhex Dhintay Gaadhi Hooyadii Ku Dhex Ilowday

Dhacdo naxdin leh, ayaa maalintii shalay ka dhacday dalka Malaysia, taas oo la xidhiidhay, wiil yar oo shan jir ah oo hooyadii kaga dhex tagtay gaadhi ay wadatay, ka dib markii ay ilowday sida loo malaynayo, Continue reading “Ilma Yar Oo Ku Dhex Dhintay Gaadhi Hooyadii Ku Dhex Ilowday”

Madaxweynaha Faransiiska Oo Ku Dhacay Booraanta Fadeexada Ee Madaxdii Ka Horaysay Galaafatay

Madaxweynaha dhalin yarada ah ee dhawaan loo doortay dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhacay, booraantii galaafan jirtay madaxdii ka horaysay ee dalkaas taladiisa qabata, oo aad moodo in fadeexaduhu jid aan laga bad baadin u ahaayeen. Continue reading “Madaxweynaha Faransiiska Oo Ku Dhacay Booraanta Fadeexada Ee Madaxdii Ka Horaysay Galaafatay”

Ilme Yar Oo Dhalashadiisu Badbaadisay Hooyadii Oo 3-Bilood Miyir La’aan Ku Jirtay

Xaalad mucjiso ay ku tilmaameen dhakhaatiirtu ayaa ka dhacday cusbitaal ku yaala dalka Argentina, ka dib markii hooyo sadex bilood miyir la’aan ahayd (Coma), ay dhimasho ka badbaaday, ka dib markii ay umushay ilma yar oo ay uurkiisa iyadoo leh shil gaadhi ku habsaday. Continue reading “Ilme Yar Oo Dhalashadiisu Badbaadisay Hooyadii Oo 3-Bilood Miyir La’aan Ku Jirtay”

Layaabka Adduunka: Nin Aan Kabo Xidhan

Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo, Ben Donnelly, da’diisuna tahay 33-jir ayaa muddo afar sano ah, iska daayay, xidhashada kabaha, waxaanu isagoo cagaagan kabo la’aan ku dhex lugeeya caasimadda dalka Ingiriiska. Continue reading “Layaabka Adduunka: Nin Aan Kabo Xidhan”

Qofka Ugu Cunto Cunista Yar Dunida

Aktarad u dhalatay dalka Kuuriyada Koonfureed oo ka mid ah, jilayaasha loogu jecel yahay dalkeeda, ayaa dood iyo muran badani ka dhashay, waraysi ay dhawaan bixisay, oo ay kaga hadashay nolosheeda iyo sida ay jiil jiilanaanteeda jidheed iyo quruxdeeda u ilaaliso. Continue reading “Qofka Ugu Cunto Cunista Yar Dunida”

Iran Oo Dadka Eyda Rabaysta Sharci Adag Oo Cusub Ku Soo Rogtay

Baarlamaanka dalka Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran ayaa la hor keenay sharci cusub oo mamnuucaya, rabayadaynta Eyda iyo daanyeerada, waxaana mooshinkan cusub oo shan iyo sodon mudane golaha hor keeneen, uu ku baaqaya in laga hor tago, dhaqan doorsoonka ku dhacay shacabka dalkaas, Continue reading “Iran Oo Dadka Eyda Rabaysta Sharci Adag Oo Cusub Ku Soo Rogtay”

Layaabka Adduunka: Mudaharaadka Adhiga

Mid ka mid ah dibad baxyada ugu layaabka badan ee dadku ku soo bandhigaan baahiyahooda iyo cabashada ay dawladoodu u gudbinayaan, ayaa lagu qabtaa caasimadda dalka Spain ee Madrid, kaas oo ay soo abaabulaan beeralayda iyo xoolo dhaqatada dalkaasi. Continue reading “Layaabka Adduunka: Mudaharaadka Adhiga”

Kuuriyada Waqooyi Oo Deldeshay Masuuliyiin Iyo Dad Rayid Ah

Maamulka Milatariga ah ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa la sheegay inuu xukun del delaad ah, ku fuliyay, tobanaan masuul iyo tiro kale oo shicib ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay daawadeen filimada taxanaha ah ee Musal salka loogu yeedho. Continue reading “Kuuriyada Waqooyi Oo Deldeshay Masuuliyiin Iyo Dad Rayid Ah”

Eyda Booliska Ingiriiska Oo Kabo Loo Xidhi Doono Xiliyada Ay Baadhayaan Guryaha Muslimiinta

Eyda Tababaran ee Booliska Ingiriiska ayaa dhibaato kala kulantay kabaha loo sameeyay in loo xidho marka la baadhayo, guryaha dadka muslimiinta ah iyo Masaajidadda si loo ilaaliyo shucuurta Muslimiinta oo Eyda u aaminsan inay yihiin wax nijaas ah. Continue reading “Eyda Booliska Ingiriiska Oo Kabo Loo Xidhi Doono Xiliyada Ay Baadhayaan Guryaha Muslimiinta”

Afar Milyan Oo Mutadawaciin Ku Biiray Ciidamada Kuuriyada Waqooyi Una Diyaar Ah Dagaalka Maraykanka

Jariirada afka dawlada ku hadasha ee (Rodong Sinmun), ayaa sabtidii baahisay saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo qof oo isku diiwaan geliyay inay ka qayb galaan dagaal, dalkoodu la galo waddanka Maraykanka, kaas oo uu hogaamiyaha dalkaasi dhawaan ku dhawaaqay. Continue reading “Afar Milyan Oo Mutadawaciin Ku Biiray Ciidamada Kuuriyada Waqooyi Una Diyaar Ah Dagaalka Maraykanka”

Maraykanka: 60-Kun Oo Dhakhaatiirta Dhimirka (Psychologists) Ah Oo Dalbaday In La Casilo Donald Trump

Kumanaan ka mid ah dhakhaatiirta dalka Maraykanka ayaa dalbaday in xilka degdeg looga qaado madaxweynaha dalkaas Donald Trump oo bishii lixaad ee muddo xileedkiisa ku jira, muddo sadex sano iyo dheeraad ahina ay uga hadhsan tahay wakhtigii shacabka dalka Maraykanku doorteen. Continue reading “Maraykanka: 60-Kun Oo Dhakhaatiirta Dhimirka (Psychologists) Ah Oo Dalbaday In La Casilo Donald Trump”

Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Jaamacada Ugu Qadiimisan Adduunka Ee Azhar?

Jaamacada Azhar waxa ay ka mid tahay goobaha cilmiga ee dunida Islaamka ugu cimriga iyo taariikhda dheer, waxa la aasaasay Jaamacada Azhar sanadkii 361-kii Hijriga oo ku beegnayd, 972-kii Taariikhda Miilaadiga, Continue reading “Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Jaamacada Ugu Qadiimisan Adduunka Ee Azhar?”

Odayga Ugu Carruurta Badan Dalka Pakistan

Nin u dhashay dalka Pakistan oo saddex dumar ah guursaday, kana dhalay lix iyo soddon carruur ah, ayaa warbaahinta u sheegay in aanu wali gaadhin hadafkiisi oo uu ku taamayo sidii uu u guursan lahaa xaaskii afraad si ubadkiisu afartan ilaa konton u gaadhaan haddii qadarku u saamaxo. Continue reading “Odayga Ugu Carruurta Badan Dalka Pakistan”

Korodhka Muslimiinta Japan Oo Dawladda Dalkaas Ku Khasbay Dhismaha Masaajido Iyo Suuq Islaami Ah

Warbaahinta dalka Jabaan ayaa in muddo ah ka waramaysay, tiradda sida wayn u kordhaysa ee muslimiinta dalkaas, kuwaas oo sida wararku sheegayaan boqolkiiba sideetan iyo shan ka mid ahi yihiin, muwaadiniinta dhaladka ah ee dalkaas. Continue reading “Korodhka Muslimiinta Japan Oo Dawladda Dalkaas Ku Khasbay Dhismaha Masaajido Iyo Suuq Islaami Ah”

Layaabka Adduunka: Qoysaska Hindiya Iyo Doorashooyinka

Tobanaan ka mid ah Ragga ku dhaqan mid ka mid ah gobolada dalka Hindiya, ayaa sameeyay dibad bax noociisu ku cusub yahay dunida, kaas oo ay haweenkooda ugu dirayaan baaq la xidhiidha doorashada ku soo foolka leh, gobolkooda iyo musharaxiinta ay doonayaan inay u codeeyaan. Continue reading “Layaabka Adduunka: Qoysaska Hindiya Iyo Doorashooyinka”

Maxaa Ku Cusub Tignoolajiyada Milatariga Iyo Diyaaradaha Dagaalka Cirka?

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ee lagu magacaabo (Su -35), oo todobaadkan dufcadii ugu horaysay la gudoonsiiyay ciidamada Cirka ee dalkaas, waxa lagu tilmaamay in ay noqonayaan kuwa ugu casrisan, uguna halista balaadhan dhinaca dagaalka ee cirka, diyaaradani waxa aad uga awood iyo tayo saraysaa diyaadaha dhigooda ah ee F-16, F-18 Ilaa F-22, ee Maraykanka iyo sancooyinka danbe ee diyaaradaha Eurofighter. Continue reading “Maxaa Ku Cusub Tignoolajiyada Milatariga Iyo Diyaaradaha Dagaalka Cirka?”

Mucjiso Wakaalada Sahaminta Hawada Sare Maraykanka U Qaabilsan Ee (NASA) Kala Kulantay Meeraha Mars

Meeraha Cas ama Mars, oo ah meeraha kooxaha sahaminta hawada sare ku halwani sida wayn ugu mashquulsanaayeen, sanadihii u danbeeyay, waxa dedaal badan dunidu gaar ahaan dalka Maraykanka Hay’adda u qaabilsan sahaminta hawada sare ku bixisay, kumanaan milyan oo dollar sidii loo daah furi lahaa, wax badana looga ogaan lahaa meerahaas iyo sida ay nololi uga suura gali karto. Continue reading “Mucjiso Wakaalada Sahaminta Hawada Sare Maraykanka U Qaabilsan Ee (NASA) Kala Kulantay Meeraha Mars”