Daraasad Reer Galbeedku Ka Diyaariyeen Saamaynta Soonka Bisha Ramadaan Iyo Xidhiidhka Qoyska

Cilmi baadhayaal aan aaminsanayn diinta Islaamka oo ka tirsan waddamada reer galbeedka ayaa daraasad cilmiyeed la xidhiidha qoyska oo ay dhawaan sameeyeen, ku ogaaday in bisha Barakaysan ee Ramadaan wax badan ka badasho hab dhaqanka Qoyska xidhiidhkooduna aad u wanaagsanaado inta lagu jiro bisha Ramadaan. Continue reading “Daraasad Reer Galbeedku Ka Diyaariyeen Saamaynta Soonka Bisha Ramadaan Iyo Xidhiidhka Qoyska”

Advertisements

Maxaa Ku Cusub Caafimaadka Iyo Soonka?

Cilmi baadhis caafimaad oo khabiiro ka tirsan jaamacadaha dalka Maraykanku ku baadheen saamaynta soonku ku leeyahay caafimaadka aadamiga ayaa natiijo aad uga yaabisay oo ay mucjiso ku tilmaameen kaga soo baxday, Continue reading “Maxaa Ku Cusub Caafimaadka Iyo Soonka?”

Maxaa Ku Cusub Caafimaadka: Ma La Iska Tallaali Karaa Cayilka/Naaxidda?

Baruurta oo wakhtiyadii u danbeeyay ka mid ahayd waxyaabaha sida wayn looga cabanayo, meelo badan oo dunida ahna ka noqotay mid qofka aadka u naaxa sidii qof bukaan ah oo kale lala maseeyo, Continue reading “Maxaa Ku Cusub Caafimaadka: Ma La Iska Tallaali Karaa Cayilka/Naaxidda?”

Jacaylka Iyo Cadhada Ku Lamaan Ee Qofka Uu Hayaa La Darso

Sida aynu dhamaanteen ka wada dheregsanahay jacaylku waa wax aadamigu ka wada siman yahay, oo umad kasta oo dunida ku nooli, leedahay sheekooyin iyo dad ay aaminsan yihiin, inay jacayl awgii noloshooda u waayeen, Continue reading “Jacaylka Iyo Cadhada Ku Lamaan Ee Qofka Uu Hayaa La Darso”

Maxaa Ku Cusub Caafimaadka: Heedu Ma Yaraysa Cholesterol-ka?

Cilmi baadhayaal ka tirsan jaamacadaha Maraykanka ayaa ogaaday in quudashada Heeda iyo waxyaabaha laga sameeyaa ay hoos u dhigaan isla markaana yareeyaan halista duxda dhiiga ku dhalata ee afka qalaad loogu yeedho, Cholesterol-ka. Continue reading “Maxaa Ku Cusub Caafimaadka: Heedu Ma Yaraysa Cholesterol-ka?”

Maxaa Ku Cusub Caafimaadka? Khuuradda Iyo Halisteeda

Daraasad caafimaad oo dhawaan la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in dadka marka ay hurdaan, aad u khuuriyaa, halis ugu jiraan, xanuuno badan oo wadno xanuunka iyo faaligu ka mid yihiin, waxaana cilmi baadhistan caafimaad Continue reading “Maxaa Ku Cusub Caafimaadka? Khuuradda Iyo Halisteeda”

Timir

Khubaro Reer Galbeed Ah Oo Timirta Ku Tilmaamay Mucjiso Aan La Qiyaasi Karin Faa’iidadeeda

Timirtu waxa ay ka mid tahay, macmacaanada dabiiciga ah gaar ahaana bahda khudrada la raaciyo, waxaanay ka mid tahay, cuntooyinka sida gaar ah bisha barakaysan ee Ramadaan loo isticmaalo, ee ugu mudan cuntooyinka ugu horeeya ee lagu afuro. Continue reading “Khubaro Reer Galbeed Ah Oo Timirta Ku Tilmaamay Mucjiso Aan La Qiyaasi Karin Faa’iidadeeda”

Haweenkauurkaleh

Cilmi Baadhis Ka Hadlaysa Xiliga Ugu Haboon Ee Haweenayda Uurka Lihi Soomi Karto

Cilmi baadhis caafimaad oo dhawaan laga sameeyay meelo ka mid ah dunidda ayaa daaha ka rogtay in aanu caafimaadka ilmaha uurka ku jira soonku waxba u gaysan haddii cimriga sedkiisu dhaafo afar bilood. Continue reading “Cilmi Baadhis Ka Hadlaysa Xiliga Ugu Haboon Ee Haweenayda Uurka Lihi Soomi Karto”

Baadhitaan Khubaro Maraykan Ahi Ku Sameeyeen Soonka

Cilmi baadhis caafimaad khabiiro ka tirsan jaamacadaha dalka Maraykanku ku baadheen saamaynta soonku ku leeyahay caafimaadka aadamiga ayaa natiijo aad uga yaabisay oo ay mucjiso ku tilmaameen kaga soo baxday, waxaanay baadhistoodan ku ogaadeen sida qayb kasta oo caafimaadka aadamiga ah uu soonku faa’iido iyo wax tar ugu leeyahay. Continue reading “Baadhitaan Khubaro Maraykan Ahi Ku Sameeyeen Soonka”

Deraasad Cusub Oo Sheegtay In Telefoonada Gacantu Waxyeelo Ku Keenaan Bacriminta Lab Iyo Shahwada Ragga

Deraasad cusub oo Caafimaad ayaa muujisay in shucaaca iyo gariirka ka soo baxa telefoonada gacanta ee Mobile-ka ay saameyn ku yeeshaan habka bacriminta lab iyo inay gebi ahaanba burburiyaan noolaha manida ninka ee jidhkiisa ku jirta, taas oo sababi karta in ninku uu tarmi waayo oo uu madhalays ku dambeeyo ama ay diciifto bacrimintiisa labnimo.

Continue reading “Deraasad Cusub Oo Sheegtay In Telefoonada Gacantu Waxyeelo Ku Keenaan Bacriminta Lab Iyo Shahwada Ragga”

Shirkadaha Elegtarooniga Oo Dhexda Ka Leexiyay Daraasad Ay Hay’adda WHO Ku Caddeysay In Mobile-ku Sababo Kansarka Maskaxda

Maalmo yar ka dib markii laanta jimciyada qurumaha ka dhaxaysa u qaabilsan caafimaadka ee WHO ay soo saartay daraasad caafimaad oo daaha ka rogaysa in telefoonka gacanta lagu qaato ee (Mobile)-ku uu sababo xanuunka kansarka gaar ahaan qaybtiisa maskaxda ku dhacda, ayaa kooxaha Khabiirada Caafimaadka kala taliya shirkadaha telefoonada gacanta iyo aaladaha kale ee Elegtarooniga sameeya dhexda ka qabsadeen warbixintii Hay’ada Qaramada Midoobay caafimaadka aduunka u qaabilsan ee (WHO).

Continue reading “Shirkadaha Elegtarooniga Oo Dhexda Ka Leexiyay Daraasad Ay Hay’adda WHO Ku Caddeysay In Mobile-ku Sababo Kansarka Maskaxda”

Baadhis Maraykanku Sameeyay Oo Caddeysay In Toontu Tahay Dawada Keliya Ee Beer Subagga (Cholesterol)-ka

Cilmi baadhistii caafimaad ee ugu danbaysay ee baadhayaasha caafimaadka aduunku sameeyaan, ayaa lagu ogaaday in Toontu, ka hor tag iyo dawo labada u noqon karto cudurada wadno xanuunka iyo duxda dhiiga gasha ee (Cholesterol)-ka afka qalaad loogu yeedho.

Continue reading “Baadhis Maraykanku Sameeyay Oo Caddeysay In Toontu Tahay Dawada Keliya Ee Beer Subagga (Cholesterol)-ka”

Maraykanka Oo Laydhka Kirismaska Oo Keliya Laga Isticmaalaa Ka Badatay Qiyaasta Ethiopia Sanadka Shidato

Daraasad ay wada jir u sameeyeen, baanka Aduunka iyo shirkada Korontada dalka Maraykanka, ayaa lagu cadeeyay, qiyaasta xad dhaafka ah ee korontada dalkaas laga isticmaalo sanadka oo dhan, taas oo marka la isku cel celiyo, noqonaya qiyaas aan la rumaysan karin.

Continue reading “Maraykanka Oo Laydhka Kirismaska Oo Keliya Laga Isticmaalaa Ka Badatay Qiyaasta Ethiopia Sanadka Shidato”

Isbarbar Dhig Lagu Sameeyay Habdhaqanka Madaxweynayaasha Barack Obama Iyo Vladimir Putin

Waddamada Ruushka Iyo Maraykanku, sida dunidu isla qirsan tahay, waa labada dal ee casrigan ugu quwada wayn dunida, kuwaas oo awoodooda milatari gaadhsiisan tahay mid daqiiqado gudahood dunida ku burburin karta.

Continue reading “Isbarbar Dhig Lagu Sameeyay Habdhaqanka Madaxweynayaasha Barack Obama Iyo Vladimir Putin”

Cilmi-Baadhis Laga Diyaariyay Heerka Caqliga Carruurta Toban Jirka Ka Yar

Cilmi-baadhis lagu ogaanayay heerka ay gaadhsiisan yihiin, caqliga iyo fikirka caruurta da’doodu ka yar tahay 7-jirka, ayaa natiijadii ka soo baxday ay noqotay in heerka laga aaminsan yahay iyo sida loo haysto uu ka sareeyo fikirka iyo Garaadka caruurtu.

Continue reading “Cilmi-Baadhis Laga Diyaariyay Heerka Caqliga Carruurta Toban Jirka Ka Yar”

Cuntooyinka Lamaanaha Qoyska U Daran Ee Dhibaatada Ku Noqon Kara Xidhiidhkooda

Cuntooyinka Lamaanaha ama aadamigu quutaan, waxa ay leeyihiin saamayntooda, waxaanay isugu jiraan, kuwo faa’iido iyo nacfi u leh qofka iyo kuwo wax tar iska daaye dhibaato noqda oo wax tarkoodu yar yahay. Continue reading “Cuntooyinka Lamaanaha Qoyska U Daran Ee Dhibaatada Ku Noqon Kara Xidhiidhkooda”

Biyaha Bulaacadaha Iyo Suuliyada Ee La Sifeeyay Oo Cabistooda Laga Bilaabay Gobolka California Ee Maraykanka

Gobolada koonfureed ee dalka Maraykanka oo abaaro is dabo joog ahi ka taagnaayeen, sanadihii ugu danbeeyay ayaa maamulka gobolka California uu dadka ku dhaqan gobolkaas, u diray fariin uu kaga codsanayo inay cabaan biyaha bulaacadaha iyo suuliyada laga soo saaray. Continue reading “Biyaha Bulaacadaha Iyo Suuliyada Ee La Sifeeyay Oo Cabistooda Laga Bilaabay Gobolka California Ee Maraykanka”