Adaabta Ciidda Iyo Salaaddeeda

W/Q: Marxuum Siciid Ismaaciil Guraase

Qormadani waxay ka mid tahay qoraalada diiniga ah ee uu diyaariyay Alle ha u naxariistii Marxuum Siciid Ismaaciil Guraase, oo ahaa Suxufi iyo qoraa Somaliland u dhashay, kaas oo ka mid ahaa suxufiyiinta tiirarka u adkeeyay Saxaafadda la daabaco (Wargeysyada) ee Madaxa Banaan ee Somaliland, ka hor intii aanu geeriyoon bilowgii Sannadkii 2014. Waxaanu illaahay uga baryaynaa inuu ajar iyo xasanaad ka siiyo casharada diiniga ah ee faa’iidada leh ee ka mid ah qoraalada dhaxal galka ahaa ee uu inooga tegay Marxuumku, isla markaana maadaama oo aynu ku jirno maalmihii ugu kheyrka badnaa ee bisha Ramadaan u dambeeyay inaynu u ducayno Muslimiinta nool iyo kuwa geeriyooday, waxaynu illaahay u weydiinaynaa Marxuum Siciid Ismaaciil Guraase, in illaahay Naarta ka xoreeyo, Jannatul- Fardowsana geeyo. Inagana dhammaanteen illaahay Naarta inaga xorreeyo.

Ciiduhu waa kuwo fac wayn, oo waxaa umad kastaa lahaan jirtay ciido ay ciidaan, munaasabad kasta oo waynna waxay ka dhigan jireen iid ay iidaan, faraxadna ay muujiyaan, ka dib markii Islaamku yimid ayuu wuxuu bedelay iidihii hore, isagoo ku bedelay iido ka khayr badan, waxaana ku sugan xadiis saxiix ah oo uu wariyey Abuu Daawuud in Rasuulka SCW uu magaalada Madiina yimid, iyadoo reer Madiina ay leeyihiin laba maalmood oo ay ciyaaraan, markaas ayuu Rasuulka SCW waydiiyey waxay ay yihiin labadaas maalmood, markaasayna ku yidhaahdeen: waa laba maalmood oo aan waagii jaahiliyada aan ciyaari jirnay, markaas ayuu ku yidhi: “Ilaahay wuxuu idinkugu bedelay labadaa maalmood laba ka khayr badan oo kala ah maalinta Ciidul-Fitriga iyo maalinta Ciidul-Adxada, labadaa Ciidood Ilaahay ayaa ummadda Nebi Muxammed SCW siiyey.

Waxayna labadaas ciidood ka daba maraan laba tiir oo waawayn oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, labadaas oo kala ah: soonka iyo xajka, maalmahaa inay dadku nafta u raaxeeyaanna waxay ka mid tahay waxyaabaha Ilaahay uu jideeyey, sidaa awgeed waxaa banaan ciyaaraha nooc kasta oo ay yihiinba, haddii laga ilaaliyo waxyaabaha shareecadu ayna ogolayn, sida cawrada oo la banneeyo, ragga iyo dumarka oo is-dhex gala, sidaas oo kale waxaa bannaan heesaha, laakiin waa inaan ruuxna lagu caayayn, wax xunna aan lagu faafinayn, laguna faaninayn sida khamro iwm, muusikana aan la raacsiinayn.

Waxaana isku mid ah ragga iyo dumarka, waxaa uu xusay xadiis saxiis ah oo ay wariyeen culummo ay ka mid yihiin Bukhaari iyo Muslim in: “Maalin iid ah iyadoo ay ku ciyaarayaan masjidka Rasuulka SCW niman Xabashi ahi uu Rasuulku SCW Caa’isha (a.k.n) u yeedhay, dabadeedna ay eegtay ciyaartoodii ilaa ay ka bogatay, iyadoo weliba ciyaarta ka daawanaysay oo taagnayd Rasuulka SCW dhabarkiisa, iyadoo dhabankeedu uu saarnaa dhabankiisa, wuxuuna Rasuulku SCW maalintaa yidhi: “Ha ogaato Yahuuddu in diinteennu ay leedahay fasax iyo waqti damaashaad iyo tamashlayn.”

Sidoo kale waxay wariyeen Bukhaari iyo Musim in: “Caa’isho ay tidhi: maalin ciid ah ayaa iyadoo ay ila joogaan laba gabdhood oo heesaya, ayaa waxaa ii soo galay Rasuulka SCW, dabadeedna ku seexday firaashka, wuxuuna huwaday maro, dabadeedna waxaa soo galay Abuu Bakar, wuxuuna canaantay labadii gabdhood isagoo diiddan waxa ay Rasuulka SCW ku ag samaynayaan, markaas ayuu Rasuulku SCW maradii iska fayday, kuna yidhi Abuu Bakar: “iska daa, qolo waliba waxay leedahay ciid, tanina waa ciiddeeniiye”, laakiin waxaa la rabaa in falalka lagu kacayo oo muujinaya farxadda iyo rayn-raynta sida cuntada, cabitaanka iyo ciyaaruhuba ayna xadkooda dhaafin, Ilaahay ka cabsashaddiisana aan la halmaamin.

“CIIDA” XUKUNKEEDA IYO MEESHA LAGU TUKANAYO

Waxay culummada Islaamka isku khilaafeen xukunka ay ciidda tukashadeedu sharciga ku leedahay, markaa ayaa qaarkood waxay yidhaahdeen waa sunne, qaar kalena waxay yidhaahdeen waa waajib, iyadoo rag iyo dumarba ay isku mid yihiin, sidan dambe ayaana xoog badan, waxaana u daliila ah in Rasuulka SCW uu amar ku bixiyey inay ciidda yimaadaan rag iyo dumarba, xataa gabdhaha aan la guursan gurigana aan ka soo bixin iyo kuwa dhiigga caadada qaba, markii sidaas la is amray ayaa haweeney asaxaabta ka mid ahi Rasuulka SCW waydiisay sida ay samaynayso haweenaydii aan haysan jilbaab ay ku timaado meesha lagu tukanaayo, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yidhi: “walaasheeda muslimada ahi ha soo siiso jilbaab.”

Dumarka kuwooda caadada qabaa iyagu wax ka tukan mayaan salaadda, laakiin waxay joogayaan meel u dhow meesha lagu tukanayo, dadkaa muslimiinta ah ayey la takbiirsanayaan (Allaahu akbar ayey wax ka leeyihiin), wayna la ducaysanayaan, barakada iyo khayrka maalintaa jira iyagoo rajaynaya, Rasuulkuna SCW weligiis kamuu tagin salaaddan.

Ciidda waxaa lagu tukan jiray waagii Rasuulka SCW meel bannaan, beledkana ka baxsan, oo loogu talagalay ciidaha iwm in lagu tukado, iyadoo salaadda lagu tukado masjidka Rasuulka SCW ay u dhiganto kun salaadood oo meel kale lagu tukado (marka laga reebo Masjidul-Xaraam), ayaa haddana uuna Rasuulku SCW ku tukan masjidkiisa salaad ciid ah, hal marna Allaha ka dhigee, sidaa awgeed ayaa waxaa sunne ah in lagu tukado meel bannaan oo dadka la iskugu keeno, haddii duruuf dadka u diidaa ayna jirin, isku imaatinkaas wayn oo loo dhan yahayna xikmado badan ayaa ku jira, oo ay ka mid yihiin muslimiinta oo calaamadaha diinta Islaamka lagu garto mid ka mid ah muujinaya, sidoo kalena muujinaya walaalnimada muslimiinta, midnimadooda, iyagoo isbaranaya, iskaalmaynaya, isla markaana kelmada (diinta) Alle sare u qaadaya.

WAXYAABAHA SUNNAHA AH MAALINTA “CIIDA”

Maalinta ciidda waxaa sunne ah in lala yimaado waxyaabahan soo socda:

  1. In dhar wanaagsan la soo xidho marka salaadda ciidda laga soo qayb galayo, Rasuulkuna SCW maalmaha ciidaha wuxuu soo xidhan jiray dharkiisa kuwa ugu qurxoon, in maalintaas la is qurxiyaana waxay ahayd caado wanaagsan, Rasuulkana SCW ka sugnaatay, sidaynu soo xusnayba. Waxaa sidoo kale sunno ah in la isa soo carfiyo, oo la soo marsado waxyaabaha udgoon.
  2. In ciidda loo soo maydho, arrintani Rasuulka SCW kama ay sugnaan, laakiin asaxaabta ayey ka sugnaatay.
  3. In marka laga soo noqonayo salaadda ciidda laga soo noqdo waddo aan ahayn tii markii hore la soo qaaday, sidii uu Rasuulkuba SCW samayn jiray maalmaha ciidaha.
  1. Salaadda loo baxayaa haddii ay tahay Tan Ciidul-Fitriga waxaa sunno ah in wax la soo cuno inta aan loo bixin salaadda, gaar ahaan timir tiro is-dheer (kinsi) ah. Haddii ay Ciidul-Adxaa tahayna waxaa sunno ah in loo soo baxo iyadoo aan waxba la soo cunin.
  2. In marka maalinta ciidda la kulmaba la isku tahniyadeeyo, iyadoo la leeyahay: “Annaga iyo adinkaba Allaha naga aqbalo”, sidaasina waa sida asaxaabtii Rasuulku SCW ay isugu tahniyadayn jireen marka ay kulmaan maalin ciid ah.

HABKA TAKBIIRTA

Habka loo takbiirsanayo oo asaxaabtii qaarkood ka sugnaaday waa sidan soo socota:

“Allaahu akbar allaahu akbar, laa ilaaha illallaahu, wallaahu akbar, allaahu akbar walillaahil xamdu”, ama “Allaahu akbar, Allaahu akbar, Allaahu akbar, walillaahilxamdu, Allaahu akbar, wa ajjallu, Allaahu akbar calaa maa hadaanaa”, laakiin qaybta hore ayaa caansan ahna midda saxa ah.

SALAADA CIIDDA HABKEEDA & WAKHTIGEEDA

Waxaa salaadda ciidda la tukanayaa inta u dhexaysa marka qorraxdu soo baxdo oo ay kor u soo kacdo, ayna soo gaadho ilaa saddex mitir oo kale, iyo marka qorraxdu cirka badh-tankiisa dhaafto. Ciidul-Adxada tukashadeeda waa la soo dedejinayaa, si dadku ay udxiyada qaliddeeda fursad ugu helaan. Ciidul-Fitrigana xoogaa ayaa dib loo dhigayaa, si dadku ay u helaan waqti ay ku bixiyaan Figrida, waxaana labada ciidood salaaddooda loo tukanayaa sidan soo socota:

Salaadda ayaa la xidhanayaa, iyadoo aan laga horaysiinayn adimid iyo aqiimid toona, marka la xidho dabadeedna todobo (7) goor (oo aanay ku jirin takbiirta salaadda lagu xidhanayo) ayaa la takbiirsanayaa (Allaahu akbar la leeyahay), marka rakcada labaad laga salaama naqsado ka dibna waxaa sunne ah in la khudbadeeyo, iyadoo dadka lagu boorrinayo inay Alle ka cabsadaan, lana amrayo wax kasta oo wanaag aakhiro ama mid adduunyo ku jiro, loona sharaxayo arrimaha ciidda la xidhiidha, haddii laga jaahil yahay. Khudbadana waxaa lagu billaabayaa Alle ku xamdigiisa “Alxamdu lillaah”.

QOFKII SALAADDA “CIIDU” AY DHAAFTO

Qofkii ay dhaafto inuu Ciidda jamaca la tukado wuxuu kalidii (ama dadka la midka ah) iska tukanayaan laba rakcadood oo salaaddii Ciidda ah, habka tukashadana waa sidaas aynu xaga hore ku soo xusnay.

UDXIYADA IYO XUKUNKEEDA

Udxiyadu waa neef la gawraco barqada maalinta “Ciidul-Adxada” (Ciidda wayn), iyadoo Allaah loogu dhowaanayo, waana sunne adag oo ayna haboonayn in laga tago, waxaana udxiyada laga rabaa qoys kasta oo muslim ah, awood dhaqaalena u leh inay gawracaan, qofkii aan reer lahayn sida ruuxa doobka ah ama reerkiisii uu ka maqan yahay, awoodna u leh inuu la yimaado, waxaa sunno ah inuu la yimaado, Rasuulku SCW isagoo dadka ku boorrinaya sunnahaas, diidanna in la fududaysto ayuu ciqaab wuxuu ku soo rogay dadka sunnadaa ka taga, wuxuu yidhi: “Qofkii heli kara dhaqaale uu ku udxaysto ee aan doonayn inuu udxiyaystaa yuunu naga iman oo aanu ka soo xaadirin meesha aanu ku tukanayno “Ciidda”.

Laakiin ruuxii aan heli karin udxiyada wax dambi ah gali maayo, waxaana soo gaadhaya ajarka udxiyadii uu Rasuulku SCW ummaddiisa ka bixiyey, iyo midda ay muslimiintu qalayaan fadligeeda. Rasuulka SCW inta neefkii uu ku udxiyaysanayey loo keenay salaadda dabadeed ayuu markii uu gawracayey wuxuu yidhi: “Bismillaah, wallaahu akbar, udxiyadan aniga ayaa iska bixiyey, iyo qofkii aan udxiyaysan (aan awood u lahayn (ee ummaddayda ka mid ah)”.

WAQTIGA UDXIYADA LA GAWRACAYO

Udxiyada waxaa la gawracayaa laga billaabo marka laga baxo salaadda ciidda (Ciidda wayn), waxayna soconaysaa ilaa iyo saddex maalmood oo maalinta Ciidda ka dambaysa, marka saddexdaa maalmood oo maalinta Ciidda ka dambaysa, marka saddexdaa maalmood midda ugu dambaysa qorraxdeedu dhacdana waqtigeedii wuu dhamaanayaa, sidaa awgeed maalintii qofku uu rabo oo maalinta Ciidda iyo saddexda ka dambaysa ka mid ah udxiyadiisa wuu qalan karaa. Waxaaba aad mooddaa in xikmaddu ku jirto in dadka qaarkood ay udxiyadooda dib u dhigtaan, haddii dadka badankiisu maalinta Ciidda ay udxiyadooda wada qalayaan, si dadku fursad ay ugu helaan inay maalmaha kalena ka faa’iidaystaan, oo aan hal maalin hilbaha oo dhami isaga dul dhicin.

Maadaama waqtiga udxiyada la qali karaa uu billaabanayo salaadda dabadeed ayaa waxaan la ogolayn in neefka la sii qalo habeenka Ciiddu soo galayso, ama subaxa Ciidda inta aan salaadda la tukan, qofkii waqtiga loogu talagalay ka hormariyana ma helayo ajarkii udxiyada laga helayey, ee wuxuu u noqonayaa neef uu isagu iska qashay, waxaana laga rabaa inuu neef kale gawraco, haddii uu rabo inuu sunnada muslimiinta waafaqo, sida uu Rasuulku SCW u yidhi: “Qofkii salaadda horteed (udxiyada) bireeyaa ha ku soo celiyo.”

INTA UDXIYO UGU FILAN QOYS WALBA

Qoyskii udxiyaysanaya waxaa ku filan hal neef oo adhi ah, intii uu rababa qoyskaasi ha ka koobnaadee, maadaama neefka ishinka ahi (waxaa lo’da iyo geela la isku yidhaahdaa ishin) aanu le’ekayn lana hilib iyo qiimo ahayn neefka adhiga ah, ayuu wuxuu ku filnaan karaa in ka badan intii neefka adhiga ahi uu ku filnaa, sidaa awgeed neefka lo’da ahi wuxuu ku filan yahay toddobo qoys, oo meeshii qoys walbaaba hal neef oo adhi ah ka soo iibsan lahaa, haddii ay hal neef oo lo’ ah isku darsadaan, waa ku filan yahay, oo uma baahna wax kale, qofka kaligii ah iyo qoyska isku wax ayaa udxiyo ugu filan, ee halla ogaado, neefka geela ahina wuxuu udxiyo ugu filan yahay toban reer, waxaana Cabdullahi bin Cabbaas (a.k.n) laga soo wariyey inuu yidhi: “Annagoo safar ku jirna oo Rasuulka SCW la soconna ayaa waxaa soo galay waqtigii udxiyada, markaas ayaanu neef lo’ ah toddobo qof ku qaybsannay, midkii geella ahaana toban qof.”

XOOLAHA KUWOODA LAGU UDXIYAYSAN KARO

Waxaanu soo xusnay in adhiga, lo’da, iyo geelaba lagu udxiyaysan karo, laakiin intaa lagu dayn maayo, oo neefka udxiyada galayaa waa inuu soo buuxiyaa shuruudo cayiman, haddii neefku aanu ka soo bixin shuruudahan ma noqonayo mid udxiyo gala, shuruudahaasina waa:

  • Haddii neefku yahay neef ido ah waxaa shardi ah in hal sano ay u buuxsantay, haddii uu riyo yahayna waa in laba sano u buuxsanto, sannadka saddexaadna uu galo, neefka lo’da ahna waa in sidoo kale laba sano ay u buuxsanto, midda saddexaadna uu galo, neefka geela ahna waa in shan sano ay u buuxsantaa, midda lixaadna uu galaa.
  • Neefku waa inuu ka nabad qabaa ceebaha u diidi kara inuu noqdo mid lagu udxiyaysan karo, ceebaha la rabo inuu ka nabad qabaana waa:
  • Cudurrada xoolaha ku dhaca, sida candhada, sanbabka, shinbirka, iwm, sidaa awgeed waa in neefku aanu qabin cudur muuqda oo wax u dhimi kara, laakiin haddii uu qabo wax aan sidaas u darnayn wax dhib ah ma keenayo.
  • Il caddaad, haddii ishu si muuqata u caddaato ma gelayo neefkaasi udxiyo, haddii uu il la’yahay oo aanu waxba arkayn way ka sii daran tahay.
  • Dhutin muuqata, waa in aanu neefku ahayn mid u dhutinaya (laan-gadhaynaya) si muuqata, sida neefka jaban iwm, haddii uu sidaa yahay ma galayo udxiyada.
  • Dhuux ama baruur la’aan, haddii neefku aanu dhuux ama baruur lahayn, sida neefka aadka wayda u ah, ama duqa ah, laguma udxiyaysan karo.
  • Dheg go’naan ama jeexnaan, haddii dhegta oo dhan ama badhkeed uu go’an yahay udxiyo ma galayo, haddii dhegtu dillaacsan tahayna waa sidaas oo kale, haddii xubnihiisa qaar go’an yihiin sida badhida iwm, shaki kama taagna inaan la ogolayn, sidaasna waxaa la mid ah haddii gees jaban yahay.

Ceebahan aynu soo xusnay waxaa caddeeyey, oo ay ku xusan yihiin xadiis sugan, oo uu soo wariyey Baraa bin Caazib (Ilaahay Raali ha ka noqdee) oo xusay: “In Rasuulka SCW la waydiiyey iyadoo lagu yidhi: neefafka lagu udxiyaysanayo kuwee ayaa la iska ilaalinayaa? Markaasna inta uu gacanta ku ishaaray yidhi: afar: ka dhutinaya, ee dhutintiisu ay muuqato, ka isha la’, ee il la’aantiisu muuqato, ka buka ee xanuunkiisu muuqdo, ka weyda ah, ee aan baruurta lahayn.”

Illaahay ajar iyo xasanaad haka siiyo Qoraaga maqaaladdan, Marxuum Siciid Ismaaciil Guraase, oo tacab badani ka galay inuu casharada diiniga ah af-Soomaali u bedelo muddadii uu Warbaahinta ku jiray.

 Qof kastoo akhriya maqaalkan oo faa’iido badan ha u duceeyo qoraagiisa (Marxuum Siciid Guraase), in illaahay Jannatul-Fardowsa ka waraabiyo, qabrigana u nuuro una ballaadhiyo.. Aamiin … Aamiin

Halkan ka soo roggo oo ka Akhri Cadadkii Saxafi ee Maqaalkani ku soo baxay oo dhammaystiran

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s