Maxaa Ku Cusub Caafimaadka: Ma La Iska Tallaali Karaa Cayilka/Naaxidda?

Baruurta oo wakhtiyadii u danbeeyay ka mid ahayd waxyaabaha sida wayn looga cabanayo, meelo badan oo dunida ahna ka noqotay mid qofka aadka u naaxa sidii qof bukaan ah oo kale lala maseeyo, waxa sidii looga gaashaaman lahaa sanadihii u danbeeyay ku hawlanaa khubarada caafimaadka ee dunida, waxaanay dhawaan soo saareen, natiijo hor dhac oo lagu ogaaday in talaal loo heli karo baruurta.

Culimada sayniska ayaa sheegay in dareero, loogu magac daray “Syringe obesity” ay ku mudeen, noolayaasha aadamaha la dhiiga ah ee tijaabooyinka lagu sameeyo, sida jiirka oo kale, kuwaas oo loogu yeedho, Laboratory of animals, taas oo sida ay xuseen wajigeedi hore guul iyo rejo badan muujinayo, hadii lagu sii wadana ay wax badan ka filanayaan.

Dhakhaatiirta oo rejo badan ka qaba tijaabadan ayaa ku doodaya in ay noqon doonto habka kaliya ee lagula dagaalamo buurnaanta, sida dhakhtarada sameeyay tijaabadani tilmaameen, dareerahan lagu muday jiirka ayaa boqolkiiba toban dhuubay, waxaanu sida ay ku warameen, dawadaasi hoos u dhigaysaa, hormoonada badiya baruurta jidhka aadamaha korta, halka dhinaca kale ay aad u dar dar galinayso, hormoonada jiilanaanta jidhka xoojiya.

Sida jariirada Daily Telegraph ee ka soo baxda dalka Ingiriisku ku warantay, koox khabiiro dhinaca caafimaadka iyo quutal daruuriga ah oo u dhashay dalka Britain oo sanadihii u danbeeyay ku hawlanaa sidii xal loogu heli lahaa, baruurta ayaa ku guulaystay in ay tijaabiyaan, talaal ay ku jirto, “Sumatostein” loogu yeedho, taas oo ah mid asal ahaanteeda ka kooban Borotiino dhufaanan, ama la tamar daraysiiyay, kuwaas oo buuxinaya halkii borotiinada baruurta dhaliya, laakiin badalkeedi yaraynaya.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s