31-ka May: Maanta Oo Kale 29 Sanadood Ka Hor Iyo Is-Miidaamintii Xoogagii SNM Gudaha Ugu Soo Galeen Hargeysa

Hargeysa, Somaliland, May 31, 2017 (Saxafi) – Maanta oo Arbaca ah bisha May-na tahay 31, 2017 waxay ku beegan tahay sannad-guuradii 29aad markii ay xoogagga ururka SNM dagaalka is-miidaaminta ah ku soo galeen gudaha magaalada Hargeysa, taas oo qayb ka ahayd dagaal ismiidaamin ah oo ay xoogga SNM gudaha ugu soo galeen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo wakhtigaas ahaa goboladii Waqooyi ee jamhuuriyaddii Somalia.

Talaabaddan ayaa waxay ka dambaysay heshiis dhex-maray labadii dawladood ee Siyaad Barre iyo Mingistu, kaas oo dhigayey inay qolo waliba taageerada ka joojiso jabhadihii ku kala kacsanaa labada talis, taas oo uu Mingistu heshiiskaa ka dib hogaankii ururka SNM ku wargeliyey inay ciidamadooda ka soo saaraan jiidaha dagaalka oo ay dib ugu soo raraan gudaha Itoobiya, taas oo macneheedu ahaa inay halkaa ku hakiyaan dirirtii ay kula jireen ciidamadii taliskii Siyaad Barre, laakiin hogaankii ururka SNM waxay arintaa ka qaateen mawqif xaraj ah, waxayna go’aansadeen inay ciidamadoodu madax-madax isugu soo tuuraan gudaha, iyagoo bartilmaameed ka dhiganaya xarumihii iyo saldhigyadii ciidamadii Taliskii Siyaad Barre ee fadhiyey goboladii waqooyi (Somaliland).

Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo hadda ah Madaxweynaha Somaliland, ayaa wakhtigaasna waxa uu ahaa Guddoomiyihii ururkii xaq-u-dirirka ahaa ee SNM ee gudaha u soo galay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Balse xuskani waxa uu ku soo beegmay wakhti ay abaaro lagu tilmaamay kuwii ugu adkaa ay dalka Somaliland ku habsadeen, isla markaana si weyn saameyn ugu yeesheen dad iyo duunyaba, taas oo ka soo kabashadda waxyeeladda abaarahaasi kelifeen in xusaska maalmahan oo kale ah loo bedelo qaadhaan ururin dadka Somaliland gude iyo dibadba ay ugu gurmanayaan dadkooda abaaruhu khasaaraha naf iyo maalba ah soo gaadhsiiyeen.

27-kii May 1988, ayey ciidamadii ururka SNM gulufkoodii u horeeyay ku galeen gudaha magaalada Burco, sidoo kale afar cisho ka dib oo ahayd 31-kii May 1988 ayey qaybo kale oo ciidamadii SNM ahi guluf-dagaal ku soo galeen gudaha magaalada Hargeysa oo xarun u ahayd ciidamadii qaybtii 26aad la odhan jiray ee taliskii Siyaad Barre, iyadoo qaybo kale oo ciidamadii SNM ahi isla maalintaa 31-ka May duulaan ku galeen aagga deegaanka Cadaadley oo uu fadhiyey gaas ka tirsan ciidamadii qaybtii 26aad, waxaana ciidamadii SNM ee jiidda Cadaadley ka dagaal galay hogaaminayey Muj: Xuseen Axmed Guuleed (Xuseen-dheere), laakiin ciidamadii SNM ee Hargeysa ka dagaal galay waxa uu taliyahoodii u sareeyay ahaa Muj. Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Ibraahin-dhegaweyne), waxa kale oo ka mid ahaa saraakiishii iyo hogaamiyayaashii taliskii ciidamadii SNM ee Hargeysa soo galay Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax, Muuse Biixi Cabdi, Cabdilaahi Askar, Maxamed Axmed Ibraahim (Dayib-guray), Cali-guray iyo rag kale.

“Runtii halkan kuma soo koobi karo raggii qiimaha lahaa ee u kala sareeyay hogaamintii iyo hawl-gelintii ciidamadii SNM ee maalintaa ka dagaal galay jiidaha Hargeysa iyo Cadaadley, laakiin waxaan ka xusuustaa Maxamed Cilmi Samatar, Gacma-dheere, Axmed-dhagax, Maxamuud Haybe, Aadan-cadde, C/kariin Xaashi, Koosaar, Alif-doon, Yuusuf-gadhle, Weerar, Axmed-waysacadde, Maxamed Ismaaciil, Aadan-dheere, C/laahi Cige Obsi, Siilaanyo-yare iyo rag badan oo kale oo dhamaantood ka kala tirsanaa Guutooyinka Seyid-Cumar, San-caani, 20aad, Guuto 3aad iyo Seyid-Cali oo dhamaantood ka tirsanaa aaggii Makal-mukarama” sidaa waxa yidhi Mujaahid Ibraahim Dhega-weyne mar uu ka waramayey dagaaladii ay xooggaga SNM gudaha ugu soo galeen dalka.

Sida uu sheegay Ibraahin-dhegaweyne ciidankii SNM ee aagga Hargeysa soo galay waxay tiradoodu ahayd ilaa 1300 oo dagaalyahan, waxayna wateen tiro aad u yar oo tikniko ah “raggu xataa ma haysan maalin-dagaal hadii ay tahay, rasaas, raashin, dawo, shidaal IWM, tiknikadayaduna waxay ahayd 2 jiib, 2 sekow, 3 garaan-B, hal beebe, iyo hal brown” ayuu yidhi Muj. Ibraahim dhegaweyne, sidaa darteedna awoodda ciidamadii SNM waxay ahayd mid aad u yar oo aan tiro iyo hub toona wax cidi le’eg uga dhigmayn ciidamadii qaybti 26ad ee Hargeysa fadhiyey, wuxuuna Ibraahin, isaga oo awoodii ciidamadii ay waajahayeen ka waramaya yidhi “Marka la isku daro guutooyinkii Ciidanka dhulka, saldhigyadii Ciidanka cirka iyo difaaca cirka, jabhadihii hubaysnaa Oromada iyo Somalida isugu jiray, maleeshiyaadkii hubaysnaa ee qaxootigii Jiidaha Hargeysa deganaa, waxay ciidamadii aanu waajahaynay tiradoodu gaadhaysay ilaa sideetan-kun oo nin”.

Saxafi Photofile Mujaahidiinta SNM ee gudaha u soo galay Hargeysa, Salaasa, May 31, 1988

“Ciidanka aanu wadanay waxa uu ahaa Ciidan bir ah tayo iyo mooral-ba ” ayuu intaa ku daray Ibraahin-Dhegaweyne, laakiin Ibraahin isaga oo ka waramaya sidii ay dagaalka u bilaabeen iyo sidii ay wax u dhaceen waxa uu yidhi “Ilaa 1:30 ayaanu soo dhaqaaqnay, waa nalaga sii diyaar-garoobay, dabadeedna laba jid-gooyo iyo diyaarad na duqaysay ayaa jidka nagala kulmay, laakiin 6:00 maqribnimo ayaa dagaal culusi nagu qabsaday meesha la yidhaahdo Garabis oo ilaa tobaneeyo KM Hargeysa u jirta, waxaanuna halkaa ku gaadhnay ilaa tobankii habeenimo, roob baa nagu da’ay, waxay noqotay habeen madow ah, is-gaadhsiin ma haysano, xagga hore iyo labada dhinacba ciidamo ayaa naga fadhiya, waxaana la doonayay inuu halkaa waagu noogu beryo oo inta nala hareereeyo gam nalaga siiyo, laakiin intaanu ciidankii ilaa 600 jidgooyo uga nimi, gaadiidkii waaweynaana iskaga nimi ayaanu soo lugaynay anaga oo baabuurtii fududayd ee tiknikada ahaydna riixayna si aan guuxooda loo maqal sidaa ayaanu magaalada soo galay abaara 2:30 saqdii dhexe waxaanuna markii u horaysay dagaalka ka bilownay taliskii qaybta 26aad, oo aanu qabsanay, meelo kale oo badan xaruumahoodii ahna waanu ka qabsanay, waxayna taliyihii qaybta Morgan iyo raggii taliska joogay, iyaga oo shooksan u carareen dhinaca Madaarka”.

Dagaalkaa ay xoogagga SNM maalintaa ku soo galeen waxay gudaha Hargeysa ku jireen in ka badan laba bilood, iyaga oo sheegay inay inta badan magaalada haysteen.

SNM Fighters
Dagaalyahankii SNM oo ku dul fadhiya sariirahooda wakhti ku beegan bishii November 1989 meel ka mid ah goobihii dagaalka ee Somaliland.

Sida aynu xagga hore ku soo xusnay dagaalka ay ciidamada SNM ku soo galeen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxa uu ahaa dagaal miidaamo ah, taas oo ay hogaamiyayaasha SNM sheegeen in ay xaaladoodu ahayd bakhtiyaa-nasiib. “xaaladayadu waxay ka dhignayd cadawgiina waa ka hortaada joogga, waxaana kaa dambaysa bad oo ma jirto meel aad u noqotaa” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw-Cali oo dareen ka bixinaya sidii ay xaaladoodu ahayd xiligaa, laakiin, Ibraahin iyo Cabdiraxmaan, iyaga oo tilmaamaya natiijadii u soo baxday dagaalka ka dib waxay yidhaahdeen “Jawaabta noo soo baxday waxay ahayd guul, waayo waxaanu ku guulaysanay inaanu sii jirno oo aanu halgankii sii wadno, umadduna way noo soo gurmatay, dumarku haba ugu daraadeene, waayo tiro ma leh inta dumar dawo, raashin, mashxarad iyo guubaabo nala daba socotay”.

Marka laga hadlayo dagaalkii is-miidaaminta ahaa ee ay xiligaa ciidamadii SNM ku soo galeen gudaha waxay dadka qaarkood sheegaan in la isku khilaafsanaa go’aanka is-miidaaminta oo aanay hogaanka Siyaasaddu sidaa doonayn, laakiin ay hogaanka milaterigu arinta khasbadeen, balse Cabdiraxmaan Aw-Cali iyo Ibraahim Dhega-weyne, iyaga oo taa ka jawaabaya waxay yidhaahdeen “Arrintaa waxba kama jiraan haba yaraatee,khilaafka dadka qaar sheegaana kama ay badnayn doodihii laga yeelanayey sida hawl-galka loo gelayo, laakiin marna ma jirin khilaaf mabdi’iya oo arintaa ku saabsani, hogaanka SNM-na siyaasiyan iyo milateri ahaan-ba 100% go’aankaa way isku raacsanaayeen” .

Hawl-galkaa is-miidaaminta ah ee ay ciidamadii ururka SNM ku soo galeen gudaha waxay ahayd arrin lama filaan iyo amakaag ku noqotay labadii talis ee heshisku dhex-maray (Siyaad Barre iyo Mingistu Haila Mariam). “Mingiste iyo Siyaad Barre iyo ninkii waqooyiga haystay ee Moorgan waxay xiligaa wada fadhiyeen meesha la yidhaahdo Nasareed (Itoobiya), dabadeedna markii la maqlay Burco ayaa la qabsaday ayuu Siyaad Barre ku yidhi Mingisto waad i khiyaamaysay, dabadeedna Mingisto ayaa ku jawaabay kuma aan khiyaamayn, waayo waxba kamaan ogayn arintaa” sidaa waxa yidhi Axmed_Siillaanyo oo tilmaan ka bixinaya saamayntii uu hawlgalkaasi ku yeeshay talisyadii Siyaad Barre iyo Mingistu, isaga oo Axmed-Siillaanyo xiligaa ahaa Gudoomiyihii ururka SNM.

Haddaba dagaalkii maalintaa qarxay waxa uu arlada ka dhigay kab-riid gaas lagu qabtay, waxayna ciidamadii Siyaad Barre, hawlgalkaa kaga jawaabeen dagaal aan loo aabo-yeelin, taas oo ay hub culus iyo diyaaradaha wax duqeeya u naceen magaalooyinka, taasina waxay galaafatay kumanaan rayid ah, iyadoo dhinaca kalena uu xadhiga iyo xasuuqu batay, islamarkaana dadkii shicibka ahaa waxay u firxadeen dhinaca Itoobiya oo ay ka galeen kaamam qaxooti, laakiin ciidamadii SNM Inkasta oo ay muddo ka dib ka baxeen magaalooyinka, haddana waxay fadhiisimo ka samaysteen gudaha, waxayna sii wadeen halgankii hubaysnaa ee ay kula jireen dawladdii keli-taliska ahayd ee Siyaad Barre ilaa markii uu taliskaasi dhacay, kadibna 1991-kii magaalada Burco lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland.

“Maalintaasi waxay ahayd maalin adag oo lagu jiro marxalad qalafsan oo dagaal, laakiin maanta waxay Somaliland ku jirtaa nabadgelyo iyo nidaam dawladnimo, iyo iyadoo laga fekerayo horumar, taasina waa midhihii halgankii SNM, waayo, Inkasta oo weli wax dhiman yihiin inta badan SNM way gaadhay wixii ay u halgamaysay oo ah Somaliland oo Madaxbanaan oo dawlad ah oo nabad qabta” ayey yidhaahdeen Cabdiraxmaan Aw-Cali iyo Ibraahim-Dhegaweyne oo dareenkooda ka bixinaya faraqa u dhexeeya dabayaaqadii May 1988-kii iyo maanta.

Marka laga hadlayo Halgankii hubaysnaa ee uu ururka SNM ku qaaday dawladdii keli-taliska ahayd ee Siyaad Barre waxa inta badan naanaystiisa taariikheed la siiyaa ama loo badiyaa qabiilka Isaaqa, laakiin Ibraahin-dhegaweyne oo taas ka jawaabaya ayaa yidhi “Runtii halgankii SNM ma wadin Isaaq oo qudhi ee waxa uu ahaa halgan ballaadhan oo ay dadka reer-Somaliland iyo dad kale oo Somaliyeed-ba ka qayb qaateeen, laakiin inkasta oo aanan wada xusuusin karin waxaan raggii hogaamiyayaasha ahaa tusaale u soo qaadan karaa Cabdiraxmaan Aw-Cali (Awdal), Kabtan: Cabdi Cabdilaahi (Awdal), Cali-gaab (Awdal), Yaasiin Axmed-“Yaasiin-dheere” (Sool), Siciid Cali-giir (Sool), Yaasiin Tamaad (Sool), Ciise Soofe (Sool), Cabdi Cali Bayr (Sanaag), Faarax-gamuute (reer Boosaaso), Kornayl-gadh-dheere (reer-boosaaso), Cumar Salaad (hawiye), Cilmi Cali (Hawiye),Yuusuf Cabdilaahi (Ugaden), Aadan khabaas (Ugaden), C/naasir Sheekh (dir), C/shukuur (dir ), iyo rag kale oo badan”.

Fiiro-gaar ah: Wareysiyadani waxay qayb ka ahaayeen wareysiyo farabadan oo sannadihii 2001 ilaa 2002 ay qaadeen Suxufiyiin ka hawl-geli jiray Wargeyska Haatuf

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s