Doorashadu Waqtigeedii Way Ku Dhici Kartaa, Dalkuna In Cirro Laga Badbaadiyo Ayuu Baahanyahay

Qallinkii: Cabdinaasir Ibraahim Saacadaale

Markii Lewis Hamilton oo ah dareewal kaxeeya baabuurta dheereeya ee lagu baratamo (fromula 1) oo ay beryahan soo food saareen guuldarrooyin is dabajoog ahi, waxa uu sheegay in aan dhibaatooyinkiisu ahayn nasiib-xumo oo kaliya. Inkasta oo aannu si toos ah farta ugu fiiqin, haddana hadalkiisa waxa dad badani u fasirteen inuu farta ku fiiqayay hoggaamiyeyaasha Shirkadda Marcedes oo ahaa cidda samaysay gaadhiga uu ku baratamayey  `.

Abaarahan soo noqnoqanaya iyo oodo luladkan, horumarka iyo adeegyada bulsho ee aan sidii loo baahnaa u wada baahsanayn, heshiisyada caalamiga ah oo aan intooda badan dadka loo soo wada bandhigin masuuliyadaha iyo xuquuqaha ka dhalanaya, kacaa-kufka ka muuqda siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliland iyo dhibaatooyin kale ee badan  ee dadku ka cawdaan maaha qaar ka dhashay nasiibka iyo farasamo-xumada dawladda haatan talada haysa, balse waa hoggaanka mucaaradka oo liita iyo Baarlamaan jira oo aan tayo lahayn, iyada oo hoggaankii labadubana cid qudha gacanteeda kuwada jirto.

Sida muuqata, inta badan dadka reer Soomaliland waxay rabaan in xisbiga Kulmiye talada dalka sii hayo, inkastoo khaladaad badan oo saxid u baahani jiraan, tanina waa mid ka dhalatay jiritaanka dareen ku baahsan bulshada dhexdeeda oo ah in aan cadawgooda koobaad ahayn dawlad aan sidii loo rabay wax u wada qaban ee ay tahay dhibaatada u weyn ee dalkan ku habsatay iyo halista ugu weyni ee ay tahay in dalkan iyo dadkan laga badbaadiyaa mid ka imanaysa wakiilo iyo mucaarad magan u ah danaysiga iyo hoggaaminta liidata ee Guddoomiye Cirro.

Hore u may soo marin taariikhda Soomaliland hoggaamiye mucaarad iyo mid aqal Wakiilo oo ka aqoonyar dhanka sharciga iyo dawladnimada, ka karti daran oo ka liita Cirro, dhawr iyo toban sanno oo uu xubin iyo hoggaamiyaba ka ahaa Aqalka Wakiilada ayaanay muuqan waxqabad iyo guul la sheegi karo oo uu degaankii soo doortay iyo Qaranka toonna la hor yimaadaa.

Muddadii uu hoggaaminayay Wakiillada

Xubin Baarlamaan waxa lagu qiimeeyaa sida uu wax uga qabato, isuguna dheelitirto baahiyaha degaankii/gobolkii soo dooratay, baahiyaha qaranka guud ahaan iyo danihiisa qofeed.  Ka hor inta aannu hoggaamiye Baarlamaan noqon, Guddoomiye Cirro waa wakiil degaan. Marka sidaa loo fiiriyana su’aasha meesha imanaysaa waxa ay noqonaysaa Cirro muxuu ka qabtay baahiyihii dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed iyo kuwii kale ee bulsho ee yaalay degaanka uu ku mushahar qaato in uu  matalo?

Waxa kale oo iyana isweeydiin mudan; Cirro intii uu horjoogaha ka ahaa Wakiillada, maxaa sharci la meelmariyey (tiro iyo tayoba), maxaa shuruuc wax-ka-beddal lagu sameeyey ilaa xadkee buuse ku hoggaamiyay aqalkaa uu masuulka ka ahaa inuu guto waajibaadkii degaan iyo kuwii qaran ee saarnaa xubnaha aqalkaasi? Su’aasha intaas oo dhan ka sii muhiimsan ayaa noqonaysa horto Cirro ma garanayaa shaqada Guddoomiye aqal wakiillo, kartideedse ma leeyahay? Haddiiba, dadka qaar ku doodayaan in ay jirtay cid ka xoog badisay oo uu ka gudan kari waayay xilkii ummadeed ee uu u dhaartay, ma waxaynu nidhaahnaa Cirro masuuliyaddiisii wuxuu dhaafsaday 2000 ee doollar ee uu mushaharka uga qaato, gunnada iyo magaca uu ku maxaabsado ee afyaheeynka aqalka.  Waxa run ah in aqoonyarida iyo karti darrida Cirro ay u dheertahay karti-darro ama jilayc.

Mar iyo laba waa ay jiraan la xusi karo oo Guddoomiye Cirro uu abaabul galay intii uu hoggaaminayey aqalka Wakiillada, waxase hubaal ah in aanay ahayn qaar uu u galay dan guud iyo gudashada waajibaadkii qaran ee saarnaa ee ay ahaayeen dan qofeed, waa markii uu ka baqay in kursiga guddoomiyenimada laga qaado oo uu soo abaabulay jifadiisa hoose iyo suldaanka reerkiisa, taasoo laf-jab ku ahayd qaranimada.

Hoggaamintiisa Mucaaradka

Haddii waajibaadka hoggaamiyaha mucaaradka ee la isla aqoonsanyahay tahay inuu dood geliyo siyaasadaha dawladda markaas talada haysa oo uu gol-daloolooyinkeeda indhaha bulshada kusoo jeediyo, isla markaana dhiirrigaliyo la xisaabtanka dawladda iyo inuu keeno siyaasado beddel u noqon kara kuwa jira, isagu waa uu ku guuldarraystay. Waxa cad Cirro in aannu garanayn shaqadiisa ka hogaamiye mucaarad ahaan iyo inaanu hayn aragti lagu beddeli karo ta haatan lagu dhaqo dalka, waana labadan arrimood oo laysku daray dhibtiisu marka la fiiriyo sida ay taladii xisbiga mucaaradka ah ula wareegeen kaadiradii iyo hawlwadeennadii xukuumadda haatan talada dalka haysa iyo xisbigeeda ka tirsanaan jiray ee dhawaan ku biiray.

Haddii taariikhdiisa loo fiirsado, Cirro waa nin ku maxaabsiga xilku kaga weeynyahay gudashada waajibaadka xilkaa, isla markaana aan ahayn qof damiirkiisu joojiyo, ciddii taa diidani ha eegto sidii uu ugu shaqaysanay shaambadii Siyaad Barre ee Safaaraddii uu ka tirsanaa isaga oo Siyaad Barre sii mootan sanado, waxaannu shaambaddii Qunsulnimo sii sitay ilaa uu uga wareegayay Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Soomaliland oo uu isna danihiisa gaarka ah ugu adeegto, waana sababtan aannu u rabin in doorasho dhacdo ilaa uu ka hubsanayo in uu shaqadan gudoomiyaha Baarlamaankana uga wareegi karo ta ugu sarraysa dalka ee madaxwaynenimo oo aan la hubin halka uu dalkan geeyn doono.

Qabashada doorashooyinka

Aragtida ay mudooyinkan dambe aad u riixayaan hoggaanka xisbiga Waddani ayaa ah in aan doorasho la qaban karin xilligan abaaraha jira awgood. Dooddani waa mid xaqiiqada aad uga fog marka la fiiriyo laba arrimood; waa ta koobaade marka taariikhda dib loogu noqdo bisha March maaha markii koobaad ee la qabto doorashooyin, waayo doorashooyinkii dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ka dhacay sannadihii  1959, 1964 iyo 1969 dhammaantood waxa la qabtay bisha March oo ah bil jilaal inta badan dhulka Soomalidu degto, weliba iyada oo xilliyadaa horena dadku reer miyi u badnaayeen halka iminka magaalooyinka loo badanyahay.

Dooda labaad ee ah iyana ah in dadkii ka guureen meelihii ay deganaayeen oo ay u guureen meelo kale ayaa ah mid jaban marka la eego xaqiiqada ah in doorashada dhacaysa bisha March tahay tii madaxtooyada oo aanay ahayn tii Wakiillada. Maxaa looga baahan yahay in qofku joogo degaankiisa haddii aannu dooranayn wakiil Baarlamaan? Qofkasta oo ku jira xuduudaha Somaliland waa inuu u codeeyaa murrashaxa u rabo isaga oo jooga goobta uu markaas ku sugan yahay.  Tani waa arrin farsamo in ka badan inta ay tahay arrin sharci, waana arrintaa farsamo ta ay tahay in xal loo helaa, mana mudna in doorashada dib loogu dhigo sababo aan sidaa u sii ridneeyn.

Marka la soo urursho, dhibta ay tahay in dalka looga warwaraa maaha abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee dabiiciga ah, waxayse tahay in laga warwaro in talada ummaddu u gacan gasho cid aan karti iyo damiir qabta toona lahayn.

Qallinkii: Cabdinaasir Ibraahim Saacadaale

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s