Shirweynaha Dhallinyarada Heer Qaran Ee KULMIYE Oo Bilaabmaya Maanta Iyo Ergooyinka Ka Qaybgalaya Oo Soo Gaadhay Hargeysa

Hargeysa, Somaliland, December 18, 2016 (Saxafi) – Shirweynaha Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee xisbal-xaakimka KULMIYE, ayaa si rasmi ah uga furmaya magaalada Hargeysa maanta.

Shirweynahan oo lagaga hadlayo arrimaha xisbiga iyo qorshayaashiisa dhallinyarada ku wajahan, ayaa ergooyinka ka qaybgalaya oo iskaga kala yimi dhammaan gobollada Somaliland ay soo wada gaadheen magaalada Hargeysa.

Hoggaanka Garabka Dhallinyarada xisbiga oo qabanqaabinaya shirweynahan, ayaa ergooyinka shirkan ku soo dhaweeyey labada daraf ee Bariga iyo Galbeedka caasimadda Hargeysa shalay, isla markaana waxay muhiimad gaar ah siiyeen sidii ay da’yarta ka kala imanaysa gobollada dalku u soo wada gaadhi lahaayeen Hargeysa, isla markaana loo dajin lahaa hudheellada loogu talogalay.

Gobollada Saaxil, Togdheer, Saraar, Buuhoodle, Sanaag, Sool, Xaysimo iyo Oodweyne, ayaa ergooyinka metelaya waxa lagu soo dhaweeyey bariga magaalada Hargeysa, waxaanay si weyn uga mahadnaqeen sida milgaha leh ee loo qaabilay.

Sidoo kale, ergooyinka ka socday gobollada Gabiley, Boorama, Hawd iyo weliba Salel, ayaa iyagana waxa lagu soo dhaweeyey dhinaca Galbeed ee magaalada Hargeysa, waxaana halkaas hadallo soo dhaweyn u badan ka jeediyey hoggaanka garabka dhallinyarada ee heer qaran.

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee heer qaran Md. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi oo madasha lagu soo dhaweynayey hadal kooban ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey ergooyinka, waxana uu xusay inuu xisbiga KULMIYE muhiimad gaar ah siinayo dhallinyarada, “Aad baan u soo dhaweynayaa ergooyinka shirweynaha dhallinyarada ka qaybgeli doona ee Gobolka Maroodi-jees isugu yimi, gaco furan iyo qalbi furan baanu idinku soo dhaweynaynaa, shirweynuhuna wuu inoo furmi doonaa Insha Allah,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdinajax.

Dhammaanba ergooyinka gobollada kala duwan ee gobollada dalka metelaya, ayaa caasimadda Hargeysa kusoo wada xerooday, waxaana la sugayaa furitaanka shirweynaha heer qaran ee dhallinyarada Somaliland, kaas oo si rasmi ah u furmi doona galinka hore ee maanta.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s