XISBIGA WADDANI: Dawlad Mise Xisbi? – Qalinkii Jamaal A. Muuse

Akhriste, wali ma is waydiisay in xisbi siyaasadeed yeelan karo danjireyaal iyo in kale?. Ma kula tahay in xisbiyada iyo dawladduhu wadaaggaan lahaanshaha xilka danjirenimo? Xaqiiqdii ogaanshaha qodobadan ayaa muhiimu ah ka foggaanshaha aaminka aragtida siyaasadda gurracan iyo ilduufka majare habowga ku dhisan ee sidda ciyaalka dadka loogu maaweeliyo.

Akhriste, qormadan kooban ee dhigaalka maanta waxaan si toggan ugu lafo gureynaa jawaabta waydiimaha sare ku xusan. Hadaba, waxaan si xeeldheeriya ugu qaadaa dhigi doonnaa tusaaleyaal cilmi ah iyo taariikho ku sugan hab dhaqanka asxaabta siyaasadda dunida kuwa ugu qadiimsan ee haddana maanta loolanka siyaasadda dalalkooda safka hore kaga jira. Siddaa awgeed bal marka hore aan wax ka xuso taariikhda xisbiga ugu da’da wayn asxaabta dunida ee wakhti xaadirkan ka  jirta koonka carro-edeg.

Runtii waxa asxaabta siyaasadda dunida oo dhan maanta ugu fac wayn Xisbiga Conservative-ka ee ka jira carro Ingiriis oo maanta ah xisbul xaakimka dalka UK ayaa ah xisbiga ugu da’da wayn dunida ee haddana si firfircoon u guddanaya shaqadiisa siyaasadeed. Xisbigan ayaa rasmi ahaan loo unkay sannadkii 1834-kii. Balse wuxuu soo jiray tan iyo 1679-kii, isaga oo ku hawl gali jiray Tory Party. Walina ma yeelan danjireyaasha xisbiga muxaafidka “Conservative party’s ambassadors” oo anigu ma hayo meel ay arrintaasi ku caddahay.Balse xisbiga Waddani ayaa dhawaan yeeshay danjire uga wakiil noqon doona dannaha xisbiga meelo badan oo ay ka mid tahay Midawga yurub.

Run ahaantii, aragtidii siyaasadeed ee xisbiga Waddani ayaa haddeertan dhabaq iyo biyo dhaceen noqotay oo isku cayn iyo bayd go’an. Hadaba, muwaadin xisbiga Waddaniwaxa ka soo shaac baxay siyaasad aan jiho iyo meel u socod lahayn, waxa hadda maankiisa ka daalacan daahan siyaasadeed oo aan marna dalnimada dhawri doonin. Sidoo kale Guddoomiye Cirro wuxuu daahfuray siyaasad ilaalin dalnimo iyo horumarin qarannimo midna lahayn, waxaana caddaan ah in ay tahay mid hagardaamo & hadimo qaran huwan oo halis ku ah masiirka bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, nidaamka siyaasadda & hanaanka hoggaminta xisbiga waddani ayaa ah utimo iyo eelo gadhoodhay oo ayna ciddi mahadin doonin berrito haddii uu hantiyo xilka iyo ammaanadda ummadda. Waana nasiib darro mar haddii diblomaasiyaddii noqotay mid aan kala saari karin dal iyo xisbi. mana jirto  ayaan darro ka waynmaanta in xisbiyeesho danjire u metela meelo aan isla jaanqaadi karin.Waa dhacdo muujinaysa yacyacoodnimada hoggaminta xisbiga iyo hanaan siyaasadeed cidhib xun, waana taariikh taban oo xisbiga Waddani  ugu  biirtay dastuur jabintii, qabyaaladdii iyo Qaloocii xisbiga ka leexiyay innuu hanto xisbinimo qaran.

Dhan kastaba, waxa hubaal ah in ninka xisbi iyo qaran kala sixi kari waayay uu yahay ma gudbe siyaasadeed oo muddan in dalka laga badbaadiyo.Ceebna umma arko innuu yeesho musdanbeed reeraysan oo uu ku dhaqmo casabo iyo cashiirro siyaasadeed lingax jilicsan. Se waxaa laga yaabaa innuu ceeb iyo liidnimo u yaqaan yeelashada musdanbeed qaran oo maanta dhisa xisbinimo qaran, si barito loo yagleelo dawladnimo qaran oo shacabku si siman u wadda mahadiyo si daarta Sugnaanta hoggaaminta suubban.

Jaho wareerka iyo maan-guurka ku dhacay hoggaanka xisbiga waddani waxa tusaale toggan u ah warqaddan lagu magacaabay danjiraha xisbiga Waddani u jooggi doonna Guddiga Midawga Yurub iyo DANIDA, oo aqoonyahan Mohamed Hagi aad & aad uga dayriyay hab dhigaalka qoraalka,hanaanka hingaada dhigaalka, hab-dhisnaanta naxwaha luuqada, xulashada erayada, liibaanta isku xidhnaanta hadalka iyo soo bandhigida ujeedo wax ku ool ah oo la garan karo.Runtii sidda uu saaxiibkay xusay waa qoraal aad u liita oo laga hindisay meel ka hoosaysa unugga maanka. Isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi “Aad baan u fajacsanahay!!!! Marka laga tago in lagu feegaray, oo qaabka siiqada iyo hab-dhigaalka, naxwaha, erayada xulista, isku xidhnaanta iyo bandhigisteeduba ay aad u liitaan”.

Saaxiibkay aqoonyahan Maxamed Xaaji ayaa intaa ku sii ladhay in qormo dhigaalkii xisbiga Waddani ahaa mid inta sare ku xusan ku darsaday ujeed siyaasadeed naaqus ah oo aan ab iyo isir toona ku lahayn hab dhaqanka dawladnimada iyo nidaamka la macaamilka hay’addaha caalamiga ah. Saaxiibkay oo arrintaa sii lafo guraya ayaa yidhi  “Waxa ay ku darsatay ujeedada siyaasad naaqus ah oo baal marsan habka ay dawladdaha iyo hay’aadka caalamiga ah u macaamilaan”. Sidda uu xusaySaaxiibkay aqoonyahanMohamed HagiWaxa la yaab ah in14 khalad lagu arko qoraal ka kooban hal bog, isaga oo siiqada hadalka iyo addeegsiga weedhaha ku macneeyay luuqad dawarsi iyo maxaafsi. Wuxuuna u dhigay sidatanWaxana ay u dhigan tahay luuqad dawarro oo maxaafsi ah. Inkasta oo qoraalkan yar ee halka bog ah 14 qalad ay dhex fadhiyaan”.

Ugu danbayntii, wali waxa xisbiga Waddaniaad uga muuqata laylinimo badan, fududayd iyo iska warhayn la’aan dhabarka iyo xanjaadka ka jabiyay siyaasadda xisbiga Waddani oo ah mid aragtida san iyo hoggaaminta suubban ka aradan. Maxaa yeelay tusaale kasta oo uu xisbinimo ku muujiyaa waa tusaha iyo tilmaamaha haggida dawladnimada iyo hanaanka hoggaaminta berri. Runtii Waddani waa xisbi ee ma aha dawlad. Sidaa darteed yaannu dalka u horseedin fawdo xisbi iyo danjireyaal badan. Waxaa dhab ah in danjire yahay mid metela qaran ee aannu ahayn mid ka wakiil ah xisbi iyo xasarad kale toona.

Jamaal A. Muuse

dankaabo@hotmail.co.uk/hirdandheer@gmail.com

Hargeisa Somaliland.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s