Madaxweyne Siillaanyo Iyo Weftiga Ku Wehelinayey Safarka Oo Shalay Gaadhay Deegaan Ilmihii Ugu Horeeyay Haraad Ku Dillay Abaaraha Darteed

“Intii Madaxweynuhu ku jiray kormeerkiisa waxa ugu naxdin xumayd markii wiil yar oo 12 sannadood jira oo baadi-doon geel ahi uu haraad u geeriyooday” Madaxtooyada

Qorilugud, Somaliland, November 22, 2016 (Saxafi) – Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey ee gobolada Bariga Somaliland ku sugnaa ayaa galay maalintii saddexaad, waxaanu subaxnimadii hore ee shalay (6:00 am) u jarmaadeen weftigu jiidaha abaartu saamaysay ee ay ka mid yihiin, magaalooyinka Shanshacade, Bali-calanle, Taalabuur, Degmada Balidhiig, magaalada Coodanle, Degmada Qorilugud oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle, iyo Degmada Wadaamogoo.

Socdaalka Madaxweynaha oo ku soo beegmay maalintii koowaad ee Ilmo-ayri horaad ugu geeriyooddo aagaas, gaar ahaan Coodanle, ayaa soo kormeeray dadka reer guuraaga ah ee abaartu saamaysay kana soo hayaamay deegaamadii ay ku sugnaayeen markii hore degaankana ku ahaayeen.

Qoraal madaxtooyaddu ka soo saartay safarkan shalay, waxa lagu yidhi sidan; “Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay shalay oo taariikhdu ahayd 21/11/2016, socdaal dheer ku gala-bixiyeen deegaamada abaartu saamaysay iyo goobaha ay ku soo hayaameen dadka xoolo dhaqatada ah ee abaartu haleeshay, waxaanu madaxweynuhu dadkaasi u qaybiyey biyo, raashin kala duwan iyo weliba lacago kaash iyo doolar isugu jira oo loogu talogalay in lagu taakuleeyo dadka jilicsan een awoodin inay sugaan wixii daruuri ah sida caafimaadka iyo wixii la halmaala.

Madaxweynaha oo dadka u ducaynayey mid midna u dul istaagay qoysas farobadan oo wadhnaa waddooyinka koonayaashooda, badankoodana ay xoolihii ka leedeen, waxa kale oo uu madaxweynuhu indhihiisa ka soo qaaday xoolo tiro badan oo lagaga dhaqaaqay banaanada markii ay socon waayeen ama ay talax gabeen kuwaasoo noqday wayd ay saamaysay nafaqodaro iyo biyo la’aani.

This slideshow requires JavaScript.

Safarkan oo ahaa mid xaqiiqo raadis ah oo uu Madaxweynuhu ugu kuur galayey xaalada guud ee Abaarta dalka haleeshay ayaa noqday mid culayskiisa leh, madaama gurmad aan kala go’lahayn oo dad iyo duunyaba ah loo baahan yahay.  Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday in aanay xukuumadiisu waxba ka hagranayn shacbiga iyo duunyada abaartu haleeshay.

Madaxweynuhu isaga oo ka duulaya culuyska abaarta iyo baahida biyood ee dadka iyo duunyada haysa, wuxuu soo kormeer  Ceelbiyoodka Coodanle oo riigii qodayey muddo toban maalmood gudohood ah uu biyo kaga gaadhay maalmaha soo socdana si toosa looga cabi doono, halka ceelbiyoodka balidhiigna uu madaxweynuhu wasaaradda biyaha amray inay si degdeg ah warbixin buuxda uga keento madaama oo in muddo ah la qodayey ceelkaas. Intii madaxweynuhu ku jiray kormeerkiisa waxa ugu naxdin xumayd markii wiil yar oo 12 sanno jira oo baadi-doon geela ahi uu markii uu helay geeli kana soo helay gudaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu haraad u geeriyooday wiilkaasi.

Weftiga Madaxweynaha oo goor makhrib ah ku soo beegmay Qorilugud ayaa soo dhawayn balaadhan kala kulmay dadweynaha ku dhaqan degmadaasi, waxaana halkaa kala hadlay shacbiga ku dhaqan gudoomiyaha ahna Murashaxa Xisbil Xaakimka Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo shacbiga uga mahadnaqay soo dhawaynta ay ku qaabileen weftiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyey, madaxweynaha oo halkaa uga duceeyey guud ahaan dadka abaartu saamaysay, waxanay weftigu u soo guureeyeen dhinaca Magaalada Caynabo ee Gobolka Saraar oo caawa ay weftigu ku soo hoydeen abaaro 8:45 daqiiqo markay saacadu maraysay.”

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s