Guddoomiyaha Kulmiye Oo Lix Iyo Toban Xil U Magacaabay Garabka Dhalinyaradda Ee Xisbigaas

Hargeysa, Somaliland, November 22, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa 16 xil u magacaabay garabka dhalinyaradda ee xisbiga taladda haya ee Kulmiye.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay xoojinayaan garabka dhalinyaradda ee xisbiga, isla markaana dardar galinayaan garabkaasi, waxaanu dhalinyaro badan u magacaabay xilal.

War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa waxaa uu u qornaa sidan “Ujeeddo: Magacaabista Garabka Dhallinyaradda Heer Qaranka ee Xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu digreeto Guddoomiye oo summadeedu tahay XK/XGX/0042227/2016 ku magacaabay Garabka Dhallinyaradda Heer Qaranka ee Xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyuhu;

v Markuu arkay muhiimadda dhismaha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga,

v Markuu ku qancay kartidooda iyo aqoontooda,

Waxa uu maanta oo ay bishu tahay November 21, 2016 u magacaabay xubnaha hoos ku qoran in ay noqdaan Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE:

la_latiyaha_madaxweynaha_ee_arrimaha_dhalinyarada_cabdinajax_siyaad
Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi
  1. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  2. Cabdirashiid Muuse Abyan– In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  3. Axmed Abiib Haayir – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Guud ee Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  4. Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Abaabulka iyo Wacyigelinta Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  5. Mustafe Faarax Cali (Qalab) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Xidhiidhka Gobollada iyo Degmooyinka Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  6. Mahad Jaamac Maxamed – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Qorshaynta, Jaan-goynta iyo Daraasaadka Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  7. Dr. Mustafe Muumin Muuse – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Arrimaha Bulshada iyo Deegaanka Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  8. Xamda Aw Daahir Afqarshe – In maanta laga bilaabo ay ahaato Madaxa Waaxda Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Isgaadhsiinta Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  9. Muxiyadiin Yuusuf Ibraahim – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Xidhiidhka Saxaafadda iyo Warbaahinta Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  10. Galab Muumin Raage – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Xidhiidhka Ciyaaraha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  11. Maxamuud Jaamac Gudaal – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Dhaqaalaha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  12. faysalqumujmujah
    Faysal Cumar Madar

    Faysal Cumar Madar –In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Faafinta Barnaamij Siyaasadeedka xisbiga KULMIYE ee Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.

  13. Bilan Maxamuud Maxamed – In maanta laga bilaabo ay ahaato Ku-xigeenka Madaxa Waaxda Arrimaha Bulshada iyo Deegaanka Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  14. Axmed Daahir Axmed – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku-xigeenka Waaxda Xidhiidhka Gobollada iyo Degmooyinka Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  15. Zamzam Ibraahim Aadan – In maanta laga bilaabo ay ahaato Ku-xigeenka Waaxda Dhaqaalaha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  16. Cabdixakiim Xasan Axmed – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku-xigeenka Waaxda Abaabulka iyo Wacyigalinta Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE. Guddoomiyuhu waxa uu u rajaynayaa xubnahan in Alle ku asturo, kuna guuleeyo gudashada xilkaas muhiimka u ah ka qaybgalka dhallinyaradda ee go’aamada heer qaran ee xisbiga KULMIYE.”

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s