Falanqayn Buugga La Magacbaxay “Raadraaca Taariikh Soomaaliyeed”

WQ: Sayid-Axmed M. Yuusuf “Dhegey”

Waxa aan ka mid ahay inta aad u xiisaysa wax ka ogaanshaha taariikhda adduunka, gaar ahaan tan Soomaalida. In aad warsugan ka heshaa dhacdooyinkii la soo dhaafay waxa ay wax badan ka tartaa, go’aan qaadashadaada ku beegan tan maanta joogta. Isla markaa waxa ay wax weyn ka tartaa timaadada, si aad uga digtoonaato qaldaadkii la soo maray. Shalay oo Jimce ahaa taariikhduna ahayd 02 Sep 2016 ayaa loo ballansanaa soo bandhigidda buuggan aan faallaynayo, laguna daahfuri doonaa magaalada Hargeysa. Buuggani waxa uu i soo gaadhay dhawr todobaad ka hor, waxaana ii soo diray saaxiibkay Mustafe Khayre oo aanu dhinacyo badan oo taariikhda ah, dareen wadaag ka nahay.

Buuggan waxa aan ku dhammeeyey muddo yar, waayo waa aan xiisaynayey wax ka ogaanshaha wax badan oo uu qoraagu goobjoog u ahaa. Qoraaga buuggani, maaha qof ku cusub bulshada dhexdeeda, ee waa ruug caddaa in badani ay garanayso, oo dad badani garanayaan in uu muddo dheer ahaa danjire Jamhuuriyaddii Soomaalida ee burburtay u fadhiyi jiray dalal dhawr ah, gaar ahaan Kiiniya iyo Yugaandha. Waxa uu buuggani, kuu soo gudbinayaa waxyaabo dhacay laga soo bilaabo kontomaadkii ilaa maalinkan maanta ah. Waxa uu qoraagu kuugu soo gudbinayaa isagoo ah qofkii koowaad. Marka taariikh laga hadlayo, inta badan waxa ka warrama qof aan goob joog u ahayn, balse helay xogtaas oo raadraaceeda haya.

Waxaase ugu xiiso badan marka qoraagu yahay qofkii koowaad, ee kula wadaagayey dhacdo aanaad goob joog ahayn. Laga yaabo in aanaad dhalanba, xilliga uu qoraagu kaaga warramayo. Waa buug ka kooban 450 bog, wuxuuna ku qoranyahay afsoomaali fahamkiisu fududyahay, oo si xidhiidh ah uu qoraagu u soo dareeriyey. Qofkii uu gacantiisa soo galo buuggani waa in uu akhriyaa, si uu sawir guud uga qaato gebidhaclayntii sooyaalkii soomaalida. Dabcan, aragtiyaha qoraagu gaarka u leeyahay, khasab maaha in aad wada taageerto, balse in aad hesho dhinacyada kala duwan ee laga joogsan karo dhacdooyinkii burburiyey jamhuuriyaddii soomaalida waa lama dhaafaan.

Bilawgaba hordhaca ayuu qoraagu innala wadaagayaa, dareenkiisa uu ka qabo in la qoro taariikhdan oo kale. Intan kooban ee qoraagu hordhaca ku daray ila wadaag:

”Buuggan iyo buugaagtayda kaleba waxay diiradda saarayaan wixii ay Soomaalidu soo martay muddadii koobnayd ee ay dawladnimada haysatay iyo intii ay u halgamaysayba. waxay soo bandhigayaan siday Soomaalinimadii lagu faani jirey iyo qabkii qofka Soomaaliga ahi hiddaha u lahaa u noqday mid xambaarsan halaag iyo burbur.” bogga 2-aad

Intaa kooban baa kaaga filan baahida loo qabo in la qoro buugaag farabadan oo dadkii goobjoogga ahaa ay soo tebinayaan, balse ka reebban buunbuunin iyo wax isdaba maris. Waxa kaloo aad ka dheehanaysaa hadalkaa kooban, in Soomaalidu ku faani jirtay magaca Soomaalinimo, kaas oo maanta aan jirin. Cinwaannada buugga waxa ka mid ah:

Xornimadii iyo Israacii labada Soomaaliyeed (Waddaniyadii Soomaalida, Soomaaliweyn iyo sidii ay ku timi, midawgii Somaliland iyo Somaliya, xukuumaddii Cabdirashiid iyo Cigaal…..), Xilligii dawladdii Milleteriga (Inqilaabkii 1969-kii, Inqilaabkii Kornayl Salaad Gabayre, Shirkii midawga Afrika, Iidi Ammiin oo Madaxweyne ka noqday Uganda, Kulamadii aan la yeeshay Maxamed Siyaad Barre……).

Intaa kuma dhamma ee in aad sawir guud uun ila wadaagto ayaan u soo qaatay. Si hufan oo kala habaysan ayuu qoraa Cawil Cali Ducaale u soo bandhigay waayaraganimadiisii ku taxnayd tan iyo ardaynimadiisii, xilligii uu layliga sarkaal u joogay carriga Ingiriiska kontomaadkii, ilaa tan iyo maanta. Kagama bogan karno qoraal kooban, ee waxa aan qoraalkan ugu talo galay aniga dareenkay, meelaha aan u arkay in uu qoraagu si fiican uga warramay iyo meelaha aan yara saluugayba waan idinla wadaagi. Dabcan qof hawl qabtay ayuunbaa la dhalliilaa, ee qof aan waxbaba qaban cidiba ma dhalliisho, sidaa awgeed in la dhalliili doono buuggan meelo badan, waa hubaal, in meelo kale oo badanna lagu hambalyeyn doono qoraaga waa hubaal.

Afeef:

Waxaana indhawayd caadi inoo noqotay, in aynu aragtida qofka ku xidhiidhinno beesha uu ka soo jeedo. Taasoo innaga lumisa waxkasta oo noqon lahayd dood wanaagsan oo laga gaadhi lahaa midhodhal. Waxa kaloo hubaal ah in aan isku aragti laga noqon karin arrimaha siyaasadda Soomaalida ee muddada dheer soo jiitamayey. Taa macnaheedu maaha, in la isku aflagaadeeyo ama la isku weeraro ee waxa ay u baahantahay in la helo aragtiyahaa kala duwan ee goobjoogayaashu inoo soo tebiyaan. Tusaale, waxa aan akhriyey buug uu qoray IHN, Kornayl Cabdilaahi Yuusuf Axmed, oo ahaa nin in badan ku soo jiray siyaasadda Soomaalida. Buuggaas iyo buuggan aan ka faalloonayaa isku aragti kama aha sooyaalkii Soomaalida. Sidaa awgeed akhristaha waxa aan ku dhiirrigelinayaa in uu akhriyo aragtiyo kala jaadjaad ah, si uu maankiisa ula kaashado.

Buugga iyo meelaha aan idinla wadaagayo:

Qoraagu waxa uu si faahfaahsan uga warbixinayaa qaabkii midawgii Somaliland iyo Somaliya oo la baxay Jamhuuriyadda Soomaalida 1960kii. Waxa uu tilmaamo iyo tibaaxoba ka bixinayaa in raadinta Soomaaliweyn ay u guntanayd bulshada reer Somaliland ee aanay ahayn mid ka timi labada dhinacba. Waxa uu warbxin ka bixinayaa sidii uu Maxamed I Cigaal ugu soo hungoobay raadintii Somaliweyn dhammaadkii kontomaadkii, sidaa awgeedna uu bilaabay in uu ka dhaadhiciyo odayaashii reer Somaliland in aanay ku degdegin israaca Somaliya. Qoraa Cawil oo arrintaa tilmaamaya waxa uu leeyahay:

“Sida aan soo sheegay Ra’iisal wasaare Cigaal ma uu oggolayn israaca laakiin waxa muquuniyey Xisbigiisii (SNL). Mar uu la hadlayey madaxdii SNL Cigaal hadaladiisii waxa ka mid ahaa: ‘Odayaal, laba dukaan oo isku biiraya ayaa wax kala qorta waa lagama maarmaan si aan mustaqbalka khilaaf u iman’. Madaxdii SNL hadalkaa dhegaha ayey ka furaysteen, waxayna Cigaal ugu jawaabeen: ‘Dawladnimada Somaliland wareeji shuruud la’aan”.

Hadalkan kor ku xusan ee uu qoraagu faahfaahinta ka bixinayo, waxa uu ka soo bilaabmay. Sida uu qoraa Cawil sheegayo, in wefti uu hoggaaminayey Maxamed I Cigaal tegeen Muqdisho 28 Juun 1960kii. Waxay la kulmeen hoggaamiyihii Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan. Markii shirkii u furmay wufuuddii Soomaaliya iyo Somaliland ayuu hadalkii bilaabay Maxamed I Cigaal, in ay u socdaan sidii loo midayn lahaa labada dal, loona sii raadin lahaa dalalka kale ee soomaalida ee maqan si loo helo Somaliweyn. Laakiin jawaabtii Aadan Cadde ayaa noqotay

“Walaalayaal, ha na soo raacina. Laba qaawani isma qaaddo, halkiina ku negaada, dawladdiina adkaysta, dalkiina dhista, dal iyo dawlado iska war haya aan ahaanno. Wefdigii Somaliland ka socday taladaa way ka diideen Aadan Cabdulle Cismaan, ilaa uu uu yidhi: “Aynu sannad kala maqnaano, wixii sannadkaa ka danbeeya aan israaca ka wada hadalno”

Qoraa Ambaasador, Cawil Cali Ducaale arrimaha uu ku soo bandhigay buugga waa kuwo ka dahsoonaa in badan. Waxa uu kuu muujinayaa in madaxdii Somaliya aanay diyaar u ahayn israac xilligaas, balse dhinaca Somaliland oo keliya uu ka socday midnimo-doonka iyo raadinta Soomaliweyn. Halkaa kagama hadhin qoraagu ee faahfaahin dheeraad ah ayaa uu sii raacinayaa, waxa uu ka warramayaa shirar badan oo dhacay oo uu xogogaal u ahaa ama loogaqaateen goobjoog ahaa uu ka soo xiganayo.

Inqilaabkii 1961kii

Iskudaygii inqilaabkii 1961 bishii Diisambar, waxa uu qoraaga laftigiisu ka mid ahaa saraakiishii abaabushay afgenbigaas. Waa uun hal sanno ka dib xornimadii lixdankii. Si faahfaahfaahsan ayuu qoraagu inoola wadaagayaa sidii wax u dhaceen. Wax aynu hore u maqalnay iyo wax innagu cusubba. Saraakiil dhawr ah oo uu ka mid ahaa Cawil Cali Ducaale ayaa kulmay, waxayna ka wada hadleen caddaalad darrada jirtay iyo in ay wax ka qaban karaan. Waxa ay isla qaateen in ay wax ka qabtaan. Saraakiishaa waxa ugu darajo sarreeyey saddex kala ahaa Xasan Cabdulle Walanwal (Xasan Kayd), Cabdilaahi Aadan Koongo iyo Maxamed Cabdillaahi. Saraakiisha kalena waxay kala ahaayeen Siciid Cali-Giir, Faysal Xaaji Jaamac, Maxamed Cabdiraxmaan Luggooyo, Xasan Faarax, Daa’uud Cali Yaxye, Maxamed Khaawi iyo Cawil Cali Ducaale oo ah qoraaga buugga qoray.

Waxa uu qoraagu tilmaamayaa in ay isla qaateen dhawr qodob oo kala ahaa:

  1. In dhammaan loo yeedho xildhibaanada iyo shaqaalaha ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Muqdisho.
  2. In Somaliland dib ugu soo noqoto halkii ay joogtay 26 Juun 1960kii
  3. In uu Maxamed I Cigaal oo ahaa Raysal Wasaare intaanu ka tegin Somaliland uu isagu soo dhiso xukuumad.
  4. In shaqaalaha iyo saraakiisha ka soo jeeda Somaliya si nabadgelyo ah loogu celiyo Muqdisho.

Qoraa Cawil, si fiican ayuu sharraxaad uga bixiyey wixii ay damacsanaayeen iyo sidii uu uga fashilmay. Waxa uu soo celceliyey in uu jiray nin saraakiishooda ka mid ahaa, oo uu ku tilmaamay in uu ahaa nin aad u caqli badan oo uu sarkaalkaasi uga digay in uu hoggaamiyo Xasan Kayd, oo ahaa ninka markaa hoggaanka u qaban lahaa saraakiisha. Sarkaalkaas oo uu qoraagu qariyey magaciisa, waxa uu sheegay in uu yidhi Xasan waa nin fudud. Haddii uu inna hoggaaminayo anigu idinkuma jiro. Halkaas ayuu qoraa Cawil, waxa uu si dulmar ah u sheegayaa in markii danbe ay sarkaalkaas ka shakiyeen, inkastoo uu sarkaalkaasi u ballanqaaday in aanuu sheegayn marnaba.

Degdeggii ku dhacay isku daygii Inqilaabka iyo Xasan Kayd oo ka cagajiiday in uu fuliyo arrimihii ay isku ogaayeen oo ay ka mid ahayd in saraakiishii ugu sarraysay oo uu taliye u ahaa Maxamed Caynaanshe Guuleed la geeyo buurta Gacanlibaax oo halkaa lagu hayo inta afgenbigu dhammaanayo, balse lama geyn, waxaana uu qoraagu sabab uga dhigayaa in Xasan Kayd ka gaabiyey. Markii Inqilaabkii ka fashilmay, waa la qabqabtay saraakiishii oo dhan oo uu Cawil Cali Ducaalena ku jiro. Laba sannadood bay ku xidhnaayeen Muqdisho. Qoraaga oo ka warramaya xabsigoodii waxa uu yidhi:

“Markii Muqdisho nala geeyey waxa nalagu hayey muddo afar bilood ah xerada Xalane, oo dawladdii kacaanka ka hor la odhan jiray Bootiko, Ka dib waxa naloo soo gudbiyey xabsiga dhexe ee Muqdisho. Waxaanu muddadaas gashanayan lebbiskii milleteriga oo aan mar keliya la maydhin, ka dib ayaa naloo oggolaaday in hooyooyinkayo noo iman karaan, maalmaha khamiista. Khamiistii ugu horreysay ee ay hooyaday Faadumo Axmed Xasan iyo hooyooyin kale noo yimaaddeen, waxay noo keeneen shandad buuxda oo dhar ah, kabo iyo wax alla waxaanu u baahnayn, waxay noo sheegeen in uu alaabtaas u soo dhiibay Cabdillaahi Oomaar. Waxa uu ahaa Cabdillaahi Oomaar ganacsade weyn oo soomaalida oo dhammi taqaan.”

Maxkamaddii la saaray Saraakiishii Inqilaabka dhigtay 1963kii

Qaybtan maxkamadda waa ay dheertay, waxaanse innooga soo garoocayaa waraysigii dhexmaray Jenaral Daa’uud iyo xeer ilaaliyihii iyo looyarkii. Ragga waraysanayey Jenaraalka waxa ay kala ahaayeen Carlo Brisco iyo Kapila. Waraysiga oo dheer awgeed aan nuxurka inoo taabto. Waxa uu qoraa Cawil si faahfaahsan u qoray sidii su’aalaha loo weydiiyey Jenaraal Daa’uud. Waxa bilawgii la weydiiyey in uu kala xigsado saraakiisha ama cíidanka uu madaxda u yahay. Waxaanuu ku jawaabay maya. Balse markii danbe waxa la soo hordhigay warqad uu Jenaraalku u qoray Caynaanshe Guuleed oo taliye looga dhigay Somaliland. Warqaddaas oo uu si cadho ah ugu jawaabayey weydiin uga timi Caynaanshe oo uu ku codsanayey in la dallacsiiyo hal mar saraakiishii Somaliland maaddaama oo laba jeer la dallacsiiyey saraakiishii Somaliya. Codsigaa oo uu diiday, jenaraalku si cadho ahna ugu jawaabay Maxamed Caynaanshe ayaa la soo hordhigay maxkamadda horteeda oo saxeexan.

Maxkamaddaasi waxa ay ku dhammaatay in la sii daayo saraakiishaa oo lagu waayey wax denbi ah oo ay ka galeen dal ay u dhaarteen. Sida uu faahfaahinayo qoraa Cawil, looma dhaarin jamhuuriyaddii cusbayd waayo wax israac ahba ma dhicin. Sidaa awgeed ayaa la soo qaaday maxkamaddii Somaliland ee Hargeysa fadhiday oo nin Ingiriis ahi ka yahay xaakim. Xeer ilaaliyuhuna waxa uu ahaa talyaani, sidaa awgeed waa lagu waayey wax lagu xukumo. Markhaatiyadiina waxa loo wada helay sabab aanay markaati daacada ugu noqon karin, sida taa Jenaral Daa’uud oo kale.

Dhinaca Diblomaasiyadda iyo Qoraaga.

Runtii halka yaabka iyo amankaaga iyo waaya-aragnimada qoraagu ay fadhidaa waa tan diblomaasiyadda, waana malaa sababta loo raaciyo magaciisa Ambaasadoor Cawil. waxa kaloo xusid mudan labada magac ee is barbar socda ee uu qoraagu leeyahay loona yaqaan oo ah Xuseen iyo Cawil. Muddo dheer ayuu ka soo shaqeeyey safaaradaha Yugaandha iyo Kiiniya, qaar uu furay iyo kuwo uu waxbadan ka bedelayba. Waxa uu qoraagu horfadhiistay Iidi Ammiin oo xilliyada qaar ahaa madaxweynayaasha loogu hadalhaynta badanyahay, waxa uu aqoon dhaw la lahaa mid ka mid ah aabayaashii Afrika ee ku riyoonayey in Afrika noqoto mid dunidaba looga taliyo, sida Jooma Kiniyaata. Waxa xusud mudan sida uu ula lahaa xidhiidh dhow madaxdii Afrika gaar ahaan Afrikada Bari.

Qaybtan ma sii geli doono, oo qoraalka ayaa dheeraanaya, waxaanse qoraaga Xuseen Cali Ducaale (Cawil) hawada u marinayaa in uu si gaar ah uga qoro xilligaa uu safiirka ahaa iyo isbeddeladii siyaasadeed ee dhacay, heshiisyadii la galay iwm. Si aanaad ugu daalin qoraalkan aan ku soo afjaro in yar oo talo iyo tusaale buugga ku saabsan, ama aan idhaahdo meelaha aan saluugay iyo hambalyo aan u dirayo qoraaga.

Maxaan saluugay?

Aan markiiba idhaahdo taariikhda waxa ugu habboon in la qoro dhacdo kasta maalinta, bisha iyo sannadka. Haddii la garanwaayo maalinta iyo bisha waxa lagama maarmaan ah in la qoro sannadka. Meelo farabadan oo muhiim ah, oo qoraagu ka warramay dhacdooyin waaweyn oo dhacay ayaan la garanayn xilliga ay dhacday. Waxa laga yaabaa dadkii xilligaa joogay in ay garanayaan ugu dhowaan sannadkii arrinkaasi dhacay laakiin buuggani waxa uu sii oolli doonaa gu’yaal farabadan oo aanay cidiba ka noolayn inta maanta nool. Sidaa awgeed waa muhiim in qoraagu xoog saaro ugu yaraan in uu sannadka qoro.

Marka uu qoraagu ka hadlayey Inqilaabkii 1961 oo uu ka mid ahaa, xil iskamuu saarin in uu si mug leh u qoro magacyadii saraakiishii iyo saraakiil xigeenkii ka qaybqaatay inqilaabkaas. Sida aan baadhitaan ku helay waxa ay ka koobnaayeen 23 xubnood. Waxa ay ahayd in uu mid kasta derejadiisa qoro, mid kasta halkii uu qaabilsanaa qoro iwm waxa uu noqon lahaa buuggii ugu horreeyey ee xogtaas laga heli lahaa. Nasiib darro saraakiishii ugu horreysay ee abaabulka lahayd ayuunbuu qoray.

Sarkaalka uu magaciisa qariyey looma baahnayn in uu qariyo. Haddii uu wax run ah ka qorayo oo aanuu been ka qorayn. Runtu ma fantaa? bay soomaalidu tidhaa. Waxa aan raadiyey sarkaalkaas, waxa aan ku rajo weynahay in uu yahay ninka aan helay oo nool oo si faahfaahsan u haya sababtii uu uga hadhay. Dabcan sarkaalkaas waa la soo gudbin doonaa aragtidiisii ku wajahnayd inqilaabka iyo sababta uu uga hadhay. Dadku waxbay is daba mariyaan ee waa in afkiisa laga qaadaa. Nasiib wanaag wuu noolyahay.

Waxa mugdiweyn ku jiraa marka uu qoraa Cawil ka warramayo sarkaalka ay ka shakiyeen iyo, haddana sarkaal kale oo taliye ka ahaa Cadaadlay sheekada dhexmartay. Taasina waa mid u baahan baadhitaan waayo qoraagu si aan la fahmi karin ayuu u soo gudbiyey. Waa marka aad raadraac samayso, waayo waxa aan raadiyey sarkaalkii taliyaha ka ahaa cadaadlay, ka uu ahaa iyo waxa kala duwan sarkaalkii diiday in uu ka sii mid ahaado Inqilaabka oo ahaa taliyihii saldhigga milleteriga ee magaalada Sheekh. Waxa ku gelaya shaki aad is odhanayso malaa Cawil wax uu qarinayo ayaa jira.

Hambalyo kaaga timi carriga Iswidhan

Sayid-Axmed M. Yuusuf “Dhegey”
Sayid-Axmed M. Yuusuf “Dhegey”

Waxa aan hambalyo hawada u marinayaa qoraaga buugga la magacbaxay RAAD-RAACA TAARIIKH SOOMAALIYEED. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) waxa aan ku leeyahay hambalyo, oo haddana hambalyo. Waxa aad qortay adigaa og runnimadeeda, laakiin waa wax loo baahnaa, oo aad iyo aad loogu baahnaa. Dadka soomaalidu waxa ay jecelyihiin in ay ka sheekeeyeen waxa ay u soo joogeen, laakiin in ay qoraan lagama yaabo. IHN, intii aanuu geeriyoon Maxamed I Cigaal waxa aan ku talo jiray in aan mar uun la kulmo oo aan ku idhaahdo qor wax ha kaa hadhaane, waayo waxa uu ahaa tiir taariikheed. Dhammaan inta kula ayniga ahina waa wada tiirar taariikheed oo waxa ay soo gudbin karaan arrimihii ay goobjoogga u ahaayeen.

Haddii la helo toban buug oo goobjoogayaal ay qoreen waxa laga dhex helaa sawirka rasmiga ah ee qofka wax baadhayaa uu rabo. Kuma filna buug keliya ee waa in la helaa buugaag dhaxalgal ah. Hambalyo ayaan qoraaga leeyahay, oo waxa aad ka soo dhex baxday jiilkii goobjoogga ahaa ee la dhiman jiray wixii ay soo mareen.

Nabad iyo Caano

 Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)

Sweden

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s