Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qaybgalay Xaflada Qallinjebinta Dufcadii Afraad Ee Ka Baxday Jaamacadda Timacade Gabiley

Gabiley, Somaliland, September 1, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wafti uu Hogaaminayo ayaa shalay ka qayb galay munaasibad ay ku qalin jabiyeen arday ka baxday Jaamacadda Timacade ee Gabiley.

War ka soo baxay weftigan ayaa waxaa lagu sheegay in weftiga si diiran loogu soo dhaweeyay Caabudla. Arabsiyo iyo Gabiley, “Madaxweynaha oo uu weheliyo Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Mudane. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay qalinjabinta Ardayda Jaamacadda Timacadde ka baxa, waxa kaloo ku wehelinayey socdaalkaasi wasiirro ka tirsan golaha xukuumadda iyo madax kala duwan oo isugu jira Xildhibaano, guurti, waxgarad iyo waayeel, kana qayb-galay xaflad qurux badan oo loo sameeyay dufcadda afraad ee ardayda ka qallinjabisay shahaadooyinka Degree-ga iyo Diploma-da ee Jaamacaddaasi bixiso taasoo lagu qabtay isla xarunta Jaamacaddaasi ku leedahay magaalada Gabiley.

This slideshow requires JavaScript.

Weftiga Madaxweynaha waxa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaannada Gobolka Gabiley, gaar ahaan magaalooyinka Abaarso, Caabudla’, Arabsiyo iyo Gabiley, kuwaasoo boqolaal dadweynaha ku dhaqani ay isugu soo baxeen jidadka iyagoo lulayey caleemo-qoyan iyo calanka Qaranka Somaliland oo ay ku qaabilayeen Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynaha Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka wershadaha, gudoomiyaha gobolka Gabiley, maayarka magaalada Gabiley, gudoomiyaha Jaamacada Timacade, iyo Madaxdhaqameedka gobolka ayaa khudbado kala duwan halkaasi uga jeediyey Ardaydii qalinjebisay iyo waalidiintii ka soo qaybgalay munaasibadaas, iyagoo dhamaantoodna iska daba maray hambalyada iyo bogaadinta Ardayda maanta dhamaysay waxbarashadoodii ay mudada soo wadeen.

Madaxweyne Axmed Siillaanyo oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa yidhi “Aad iyo aad ayey farxad weyn igu tahay inaan idinkala soo qaybgalo maanta xaflada weyn ee qiimaha iyo qaayaha leh ee aynu ugu dabaaldegayno qalinjebinta ardayda ka soo baxday Jaamacada Timacade, waa taariikh weyn waa maalin xusuus mudan, waa maalin qiimo leh, Ilaahay waxan ka baryayaa in ardayda halkan ka qalinjebisay, macalimiintooda iyo kulligoodba inay wax wanaagsan iyo khayr ay la kulmaan, waxanan u rajaynayaa in Alle sidii khayrku ku jiro uu waafajiyo. Farxad weyn ayey ii tahay inaan xafladan ka soo qaybgalo, waxan leeyahay kuwii guulaysta noqda, kuwii dalkooda iyo dadkooda anfaca noqda, Insha Allaahu tacaala, sanadkan iyo sanadka dambeba Alle ha inagu gaadhsiiyo farxad iyo barwaaqo aynu hore ugu talaabsano dal ahaan iyo dad ahaanba. Asalaamu calaykum”

Ugu dambayntii Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxa loo gelbiyey guriga martida ee gobolka Gabiley kaas oo loogu sameeyey hadhimo sharafeed, waxaanay u soo amba-baxeen dhinaca caasimada Hargeysa.”

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s