Qaybta 2aad: “Heshiiska DP World Ee Dekedda Berbera Waa Fursadii Iyo Maalgashigii Ugu Weynaa Ee Somaliland Heshay” Rashiid Gaaruf

“Dekedda Cusub Ee Laynoo Dhiso Hadhow cidina tuurta ku qaadan mayso… maanta misaajidka keliya ee Berbera lagu tukado waxa dhisay Turkey-gii.. Madaarka Berbera waxa dhisay Ruush, waa kaa weli kuu taagan”

 “Waxaan Xusuusinayaa kuwa war la’aantu hayso ee heshiiska DP World canaanta u soo jeedinaya, waar haddaad dekedda Berbera in la maalgashado diidaan, ma waxa doonaysaan in heshiiskan DP World ay la gasho Somalia oo la dhiso Boosaaso, Kismaayo, iyo Muqdisho”

 “Heshiiskani waa mid midhihiisa dhakhso loo arkayo Ee waxaan leeyahay shicibka Somaliland ha ka hor degdegina, oo yaan qof aan xogtii runta ahayd haynin idin hor cararin”

 “Heshiiskan DP World Waxaa ka soo horjeeda dalalka Masar, Eriteriya, Djibouti iyo Somalia, Oo Masar Waxay Doonaysaa Inaynu Somalia dib ula midowno Oo Ay Itoobiya Looga Hiiliyo..”

Washington DC, August 2, 2016 (Saxafi) – Wakiilka Somaliland u jooga caasimadda dalka Maraykanka ee Washington DC, Rashiid Gaaruf, ayaa qoraal dheer oo uu ka diyaariyay faa’iidada Somaliland ugu jirta heshiiska Maalgashi ee ay dekedda Berbera uga heshay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxa uu si faahfaahsan ugu sharxay furasadaha bulshada iyo dalnimada Somaliland ugu jirta Maalgashigan, isagoo dhinacyo badan ka istaagay isla markaana hoos ugu daadegay meelo badan oo uu heshiiskani wax ka tari doono.

Aqoonyahan Rashiid Gaaruf, waxa uu qoraalkiisan ku soo bandhigay oo uu tusaale u soo qaatay in dalal ay ka mid yihiin Singapore iyo Hong Kong, ay deked keliya oo ay leeyihiin ay isbedel dhaqaalo oo weyn ku samaysay dhaqaalahooda, halka dalka Panama isaga uu Biriij keliya oo ay leeyihiin isbedel dhaqaale oo weyn u horseeday, sidaas darteed uu heshiiska DP World ee Dekedda Berbera noqon doono fursadii ugu weynayd ee ay Somaliland ku heli lahayd horumar dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo xataa arrinta ugu weyn ee reer Somaliland tacabka badan ugu jiraan ee ah in dalkooda loo aqoonsado madaxbanaanidiisa.

Waxa kale oo uu Wakiilka Somaliland ee Washington qoraalkiisan ku sheegay in dawladda Itoobiya doorka ugu muhiimsan ka qaadatay in Somaliland ay hesho maalgashi baaxaddan leh, taas oo uu xusay in DP World ay markii hore u qorshaysnayd inay maalgelin ku samayso dekedda Musawac ee dalka Eriteriya, balse ay dawladda Itoobiya ku qancisay DP World inay maalgashigeeda ku samayso dekedda Berbera, maadaama Itoobiya iyo Eriteriya ay ka dhaxayso caawad guun ahi, taasina waxa uu sheegay inay keenayso in Itoobiya allaabooyinka dibadda ay kala soo degto iyo ta ay u dhoofisaba boqolkii soddon (30%) u soo wareejinayso dekedda Berbera marka maalgashigan lagu sameeyo.

Haddaba waxaanu qaybtii koowaad ee qoraalkan Rashiid Gaaruf oo aad u dheeraa,  oo aanu laba qaybood idiinku qaybinay, ayaa waxaanu qaybtii horena aanu idiinku soo daabacnay cadadkii wargeyska Saxafi ee soo baxay shalay (Issue 1599, August 1, 2016), sidaas darteedna waxay  qaybtii labaadna u dhignayd sidan:

“Waxa is xasuusin mudan heshiiskani waa heshiis aad loogu rajo wayn yahay in dawlada Ethiopia ay ka soo dejisan doonto alaabta ay dibada kala soo degayaan ugu yaraan boqolkiisa soddon 30%, halka imika ay ka soo dejisato Berbera boqolkiiba laba 2%. Waa heshiis labada dhinacba DP World iyo Somaliland-ba ay aad ugu hanwayn yihiin inay sidan ugu badinayso oo dhaqaale badani ka soo gelayo marka Ethiopia gaadhsiiso waxay la soo degayso boqolkiiba soddon 30%, DP World waxay doonaysaa inay hadhowto gaadhsiiso in Ethiopia ay dhaafto oo Afrikada kale gaadhsiiso alaabta ka soo degaysa Berbera. Maanta Somaliland sidii aan horeba ugu soo sheegay markaan ka hadlayay inta meelood ee Dubai Ports ay shaqo ka hayso, maanta Somaliland awood uma laha inaynu lacagta iyo maalkaa intaa tiro le’eg ($500 million oo dollar) aynu gelino dekedda Berbera, Ethiopia inagu aamini kari mayso inay qaadato fursad ay alaabta dibada uga imanaysa 30% ay Berbera ku soo mariso illaa marka hore maalgashiga intaa le’eg lagu sameeyo dekeda Berbera oo awooda iyo tayada dekeda kor loo soo qaado. DP World waxay inoo suurto gelinaysaa intii aynu doonaynay dhinaca dhaqaalaha kobcintiisa, waxay maal gelinaysaa dekeda Berbera, waxay inagala shaqaynaysaa sidii maalgashi loogu samayn lahaa wadada Berbera iyo xadka Ethiopia u dhaxaysa oo ay balanqaadeen inay iyaguna ka qayb qaadanayaan, waxay inoo suurto gelinaysaa inay shirkadaha waawayn ee caalamka ee ay xidhiidhka la leedahay ay ku tidhaahdo kaalaya oo Berbera ku nasta, oo alaabtiina ku roga, si Markab kale Berbera uga qaado oo u geeyo meesha ay alaabtiinu ku socotay si ay Berbera u noqoto istaan Markab oo Maraakiibtu waxna ku rogaysay waxna ka qaadaysay, alaabtaas oo qaar ka mida u socoto meelo kale oo aan Berbera iyo Ethiopia midna shuqul ku lahayn. In dekeda Berbera laga dhigo meel maraakiibta lagu sameeyo haddii sida aynu ku rajo waynahay ay u dhacdo oo Ethiopia maalkeedu si fiican u maro Berbera oo xidhiidhkeenu u wanaagsanaado si ka wayn ka ay Ethiopia la leedahay Djibouti, waxay inoo suurto gelinaysaa inay Ethiopia ina aaminto oo halka maanta heshiiskeenu yahay boqolkiiba soddon ay ka sii kordhiyaa oo ka dhigaan boqolkiiba konton 50%. Taasi Berbera iyo Djibouti way isa soo gaadhsiinaysaa oo way ina simaysaa.

Dekedaha cusub ee la dhisayo sida heshiiska ku qoran waa dekedo casri ah oo lagu soo rogayo konteenarada labaatanka feetka ah, ma aha wax xamaalka dekedda Berbera tuurta ku qaadi karo, dekeddan imika jirta sideeda ayaa loo daynayaa waxa lagu soo kordhinayaa qalab cusub oo casri ah. Laakiin dekedda la isku halaynayo inay alaabta badan ee konteerada ku jirtaa timaado waa dekedda cusub. Heshiiska waxa ku jira in shirkadda cusubi ay dhamaan shaqaalaha dekedda Berbera ka masuul noqoto shaqadoodana ay haystaan. Hadhow marka dhowr sanno ka soo wareegaan shaqaaluhu intii hore aad buu uga badanayaa oo qalabkan cusub ee la keenayo iyo dekedahan cusub ee la dhisayo waxay u baahanayaan dad ka shaqeeya, xataa haddii qaar dibada laga keeno, markasta intooda badani waxay ka imanayaan Somaliland oo dhan. Waxay gaar ahaan ka imanayaan Saaxil iyo gobolada kaleba.

Hadhow wixii la dhiso ee dekedda lagu kordhiyaa waa wax inoo yaala oo waddankeena laga dhisay cidina tuurta ku qaadan mayso marka deked cusub la dhiso ee ha ka degdegina inta la inoo dhisayo, maanta misaajidka keliya ee Berbera lagu tukado waxa dhisay Turkey-gii joogi jiray (malaa imikaa masjid cusub la furay dhowaan). Airportka Berbera waxa dhisay Ruush, waakaa wali maanta kuu taagan. Markaa dekedda cusub ee laguu dhisayo adigaa iska leh Dubai qaadan mayso, qalabka la keeno adigaa iska leh Dubai qaadan mayso. Shaqaaleheedu waa adiga, maanta ayaynu gaadhaynaa himiladeenii ahayd inay Ethiopia wixii ay la soo degayso 30% soo marsato Berbera. Intii hore waxay ahayd riyodeena, maanta laakiin marka DP World ay maalgashigaa samayso, riyadeenii way rumoobaysaa. Marka la inoo dhiso wadada Berbera iyo Wajaale inagaa iska leh oo marayna, hadhow dadka alaabtan rarayaa baabuurtooda, dadka ka shaqaynaya, meesha ay wax ka cunayaan, meesha ay seexanayaan, Airportka ay ka soo degayaan waa Berbera, iyo meesha ay ku maydhanayaanba waa adiga magaalooyinkaagii oo kuu camirmaysa. Waxa maalin dhow la arkayaa iyada oo magaalada Berbera dhulkeedu ka qaalisan yahay dhulka Hargeysa.

Waxad arki doontaa iyada oo shirkadaha Somaliland heshiis la wada galeen shirkadaha Ethiopia si ay u maamulaan alaabta u soo maraysa dekedda Berbera, iyada oo dhaqaalaha dekedda Berbera ka soo baxaa shan jibaarmay oo gaadhay $500 million, oo miisaaniyada dawlada gaadhay in ka badan billion dollar halka maanta miisaaniyadda dawladdu ka tahay laba boqol iyo konton million oo dollar. Waxa jira waddamo fara badan oo ama deked keliya sida Singapore iyo Hong Kong ama biriij keliya sida Panama ay is bedel wayn ku sameeyeen dhaqaalaha waddankooda. Maanta taas mid la mida ayaynu ka rajaynaynaa heshiiskan iyo dekedda Berbera. Caalamka magaalooyinka ugu waawayn waxa halkaas gaadhsiiyay waa dekadahooda inaguna horumarkaas ayaynu ka filaynaa dekeda Berbera.

3 – Qaybta saddexaad ee heshiisku wuxu qeexaya sida loo maamulayo dekedda, maamulka dekedda waxa leh guddi ka kooban toddoba qof oo shan kamida ay DP World magacaabayso laba ka midana Somaliland magacaabayso. Gudidan oo gaadhi karta dhamaan go’aamada waawayn ee shirkadda, gudidan shir uma qabsoomayo oo ma fadhiisan karto haddii aanu la joogin qof ka mida gudida oo metelaya Somaliland. Markaa shirkadani iskama gaadhi karto go’aano ka soo horjeeda Somaliland. Hadii isqabsi yimaado, markaa waxa lagu xalinayaa shirkadda gudaheeda iyo Berbera dhexdeeda, marka labaad waxa la isla tegayaa Dubai, marka saddexaad waxa lagu kala baxayaa maxkamadaha ku yaala waddanka ingiriiska oo gaadhaya xukunka kama dambaysta ah. Heshiiskana waynu ka bixi karaa haddii uu noqdo mid aan waxtar inoogu fadhiyin. Iyaguna way ka bixi karaan haddii ay dantooda ka dhex waayaan.

Heshiiskani waa heshiiskii ugu waynaa ee qaranka Somaliland galaan, waa heshiis midhihiisa loo arkayo si dhakhso ah. Heshiiskani wuxu noqonayaa mid dhamaan Somaliland oo dhami wada aragto, xildhibaanada barlamaanka Somaliland-na la horkeeno oo ay u codeeyaan oo la waydiiyo inay ansixiyaan. Markaa waxan leeyahay shicibka Somaliland ha ka hor degina, oo yaan qof aan xogtii runta ahayd haynin idin hor cararin oo been idiin sheegin. Maalinta heshiiska la hor keeno Barlamaanka Somaliland, maalintaas dhamaan shicibka Somaliland way wada arkayaan wixii heshiiska ku jira iyo wixii aan ku jirin, in heshiiska danteenu ku jirto iyo in aanay ku jirin. Markaa maanta warxumo tashiil been iyo belaayo la ordayaa yaanu danta qarankeena inaga burburinin. Haddii Baarlamaanku diido inay heshiiska ansixiyaan heshiiskani halkaa ayuu ku istaagayaa danta qarankeenuna halkaas ayay ku lumaysaa hadii taasi dhacdo. Laakiin waxan kalsooni buuxda ku qabaa inay xildhibaanada baarlamaanka Somaliland ay garawsan doonaan sida heshiiskani kor ugu qaadayo qaranimadeena, sida heshiiskani u yahay mid danta qaranka dhinac dhaqaale, dhinac siyaasadda dibada iyo dhinacii aqoonsigaba inaga caawinaya inuu yahay.

Heshiiska waxa geed dheer iyo mid gaaban labadaba u fuulay in heshiiskani dhaco dawladaha Somaliland, Ethiopia iyo dawlada Dubai. Heshiiskan markii hore DP World waxay doonaysay inay la gasho waddanka Eretria oo leh dekedda Masawac ee berigii hore ay Ethiopia isticmaali jirtay. Ethiopia waxay ka dagaalantay in DP World aanay heshiiskan la gelin Eretria ee ay la gasho Somaliland. Taasaa qayb libaax ka qaadatay oo aad iyo aad u suurto gelisay inaynu heshiiskan la galo DP World, taasi waxa kale oo ay suurto gelisay inay DP World tix gelin dheeraad ah siiso Somaliland, dhinaca DP World iyagu laftoodu aad iyo aad ayay u dadaaleen inay helaan ogolaanshaha Somaliland inay heshiiskan la gasho. Inaga haddaynu nahay Somaliland, inay Ethiopia heshiiskan rabto wuxu inoo yahay guul, waayo waddanka aynu ka filayno in alaabtooda laga soo dejiyo dekedda Berbera waa Ethiopia. Heshiiskani wuxu suurto gal ka dhigayaa inay hawl yaraato in Somaliland shirkadaheeduna wax u dhoofiyaan Ethiopia oo halkaas uu inooga soo baxo suuq wayn oo shaqooyin fara badan inoo sameeya.

Wadamada heshiiskan ka soo horjeeda waxa ugu horeeya Somalia oo aan marnaba doonaynin in wadan caalamka ka mid ahi inuu heshiis la galo Somaliland, waanay ka dagaalameen, si toos (publicly) ahna way uga hadleen oo waatii aad arkayseen ee ay lahaayeen maxkamadda adduunka ayaanu DP World geynaynaa mar hadday Somaliland heshiis la galeen, waxay ka tahay xin iyo xaasidnimo ay Somaliland la hor joogaan. Waxay doonayaan in heshiiskan DP World la gasho Boosaaso, Kismaayo ama Muqdisho. Laakiin inaga inooma ogola. Waxa kale oo ka soo horjeeda Eretria oo iyadu doonaysa in iyada heshiiskan ay DP World la gasho oo dekedooda Musawac ay maal geliso oo loo casriyeeyo. Waxa kale oo heshiiskan ka soo horjeeda waddanka Djibouti oo aan jeclayn inay Ethiopia hoos u dhigto wixii ay kala soo degaysay dekedda Djibouti oo ay kordhiso waxa ay kala soo degayso dekedda Berbera. Djibouti waxay samaysay maalgashi ka badan sagaal boqol oo milyan oo dollar oo lagu dhisay shan dekedood oo kale duwan, mid xoolaha oo keliya laga dhoofiyo, mid macdanta oo keliya laga dhoofiyo, mid kalluunka laga diro, Doraleh oo kontaynarada oo keliya laga soo rogo, waxaas oo maalgashi ah Djibouti waxa u sameeyay shirkado ajnabi ah oo DP World ka mid tahay. Djibouti ma rabto maanta oo ay maalgashiga intaa tiro le’eg ku sameeyeen dekedahoodii inay Ethiopia hoos u dhigto alaabtii iyo wixii ay kala soo degaysay dekedda Djibouti, markaa cid waliba hayska hadashee Djibouti ma jecla inay DP World maal gashato dekedda Berbera waayo taas waxay u arkayaan inay iyaga dekedooda wax ka soo degi lahaa loo leexinayo dhinaca Berbera. Caqliga saxa ah wuxuu ku tusayaa Djibouti danteeda kuma jirto inay Dekedda Berbera guulaysato oo waynaato, waayo taas macnaheedu waxa weeye waxay la tartamaysaa dekedda Djibouti.

Waxan xasuusinayaa kuwa war la’aantu hayso ee heshiiska DP World iyo Somaliland canaanta u soo jeedinaya iyaga oo aan wali arag heshiiskii oo dhamays tiran: waar haddaa dekeda Berbera in la maalgashado diidaan, ma waxa doonaysaan in heshiiskan DP World ay la gasho Somalia oo la dhiso Boosaaso, Kismaayo, iyo Muqdisho, mise waxa doonaysaan inay Djibouti sidaas inoo hor fadhido oo iyaduna sii waynaato inaguna sii yaraano oo waxba yahay noqono. Runtu waxa weeye maanta waxaynu maraynaa heer ay danteenu ku jirto inaynu helo cid dekedeena maal gashata waayo inagu uma hayno kharashka ay u baahan tahay in lagu maal geliyo. Haddii aan la maalgelinin Ethiopia ma soo marinayso boqolkiiba soddon wixii ay la soo degayso, ee waxay inagu haynaysaa boqolkiiba laba ama saddex 2% wax aan dhaamin. Ka dibna waxay raadsanaysaa meel kale oo ay xoolaheeda soo marsato haddii heshiiskani dhicisoobo. Maanta inaga danteena kuma jirto inaynu lumino fursadan qaaliga ah.

Xattaa waxa heshiiskeena ka soo horjeeda Egypt oo doonaysa in aynaan sidaas ugu sii dhowaan ama ku xidhmin Ethiopia, waayo Egypt waxay rabtaa inaynu Somalia midawno mar kale iyada oo uga dan leh inay Somalia Egypt dhinaceeda raacayso oo Ethiopia ka soo hor jeesanayso. Heshiiskan aynu Ethiopia la sii galaynaa waxay caalamku intooda badani (inta inaga soo horjeeda mooyaane) u arkaan mid inagu sii dhowaynaaya qaranimadeenii iyo aqoonsigeenii, mid inagu sii dhowaynaya Ethiopia, waxay u arkaan heshiis Somaliland gaadhsiinaya inay la tartanto Djibouti, waxay u arkaan heshiis keenaya horumar dhinaca dhaqaalaha geeska Africa. Dhamaan jaraaidka ka soo baxa caalamka, ama ha noqoto Africa ama Europe iyo America waxay wada qoreen in heshiiskani yahay mid Somaliland kor u soo qaadaya oo ku dhowaynaya qaraminadii ay raadinayeen.
Markaa shicibka Somaliland waxan ogaysiinayaa heshiiskani waa mid saaxibadeena sida Ethiopia u soo dagaalameen oo ay aad iyo aad uga soo shaqeeyeen sidii aynu ugu guulaysan lahayn. Markaas dantooda ayaa ku jirta inay Somaliland guulaysato oo heshiiskan la gasho dawlada UAE, caalamka qofkii dantooda inaga dhex arkaa wuu ina soo raacayaa oo inala saaxiibayaa. Maalintii dhowayd ee abaaruhu ku dhaceen Somaliland iyo Ethiopia labadaba, waxa dekeda Djibouti taagnaa oo hoganayay afartan Markab oo raashin siday oo sugayay inta dekeda Djibouti furmayso oo raashinka laga rogaayo, halka Ethiopia dadkoodii gaajo la dhimanayeen raashinkiina soo dhaafi waayay DJibouti. Taasi waxay suurto gelisay inay Ethiopia aqoonsato in danteedu ku jirto inay dekeda Berbera wax kala soo degaan. inagana danteena ayaa ku jirta inay Ethiopia soo marsato alaabteeda dekeda Berbera, oo taasi waxay keenaysaa in dhaqaalaheenu kor u kaco. Afarta wadan ee nagu xeeran (Ethiopia, Djibouti, Eriteria, iyo Somalia) ee saddex ka mida aynu la leenahay xuduud (Ethiopia, Somalia, iyo Djibouti), maanta waxa shaki la aan ah in saddex ka mid ahi ay inaga soo horjeedaan oo aanay marnaba doonaynin inaynu helno fursada heshiiskani ina siinayo (Somaliya, Eriteria, iyo Djibouti). Waayo iyagu taas waxay u arkaan inay dantooda qaranimo ka soo horjeedo.

Nasiib wanaag maanta dawladeena iyo shicibkeenuba waxaynu isku raacsanahay sida heshiiskani waxtar dhaqaale, mid siyaasadeed, iyo mid qaranimo intaba inoo leeyahay, kuwa keliya ee sida dhabta uga soo horjeedaana ay yihiin cadawgeenii aan marnaba jeclayn inay Somaliland guulaysato. Waxan aad uga xumaaday marka aan arkay dad reer Somaliland ah oo sheegaya inay heshiiska ka soo horjeedaan iyaaga oo aan wali arag heshiiskii oo buuxa. Ama iyada oo aan tixgelin siinin baaxada faaiidada heeshiiskanu le’eg tahay iyo sida qaranimadeenu kor ugu kacayso. Heshiiskani inuu guulaysto waxa ku farxaya Somaliland, Ethiopia, iyo Dubai, heshiiskani inuu dhicisoobo oo guuldaraysto ama la saxeexi waayo, waxa ku farxaya Muqdisho, Boosaaso, Kismaayo, Eriteria, iyo Djibouti kuwaas oo ah inta maanta aan aan jeclayn in Dekeda Berbera iyo Somaliland horumar gaadho oo guulaysato. Somaliland waxa maanta ku waajiba inaynu galo heshiiska DP World oo faaiido wayn u leh shicibka iyo qaranka Somaliland, Dubai, iyo Ethiopia. Waa heshiis caalami ah oo saddex waddan dhex maraya. Waa mid qarankeena gaadhsiinaya horumar, dhaqaaleheena kor usoo qaadaya, xoogaynaya qaranimadeena, saaxiibtinadii Ethiopia-na kor u sii qaadaysa.

Ujeedada ugu wayn ee Somaliland waxa weeye in dekedda Berbera aynu maalgashi u helo, in la dhiso oo loo qalabeeyo, si Ethiopia u soo mariso alaabta ay la soo degayso Berbera 30%, taasina kor u qaadayso dhaqaalaheena, dadkeena shaqo loogu sameeyo, inaynu ku xidhano UAE, Baasaboorkeena loogu dhoofo UAE, xoolaheena nool si sharci ah loogu dhoofiyo Dubai, inay qaranimadiisu xoogaysato, in aynu yeelano saaxiibo waawayn oo caalamka ka mida, iyo in heshiiskani inagu dhoweeyo himiladeenii in waddankeena la aqoonsaddo. Illaahay shicibka iyo qaranka Somaliland ha xoogeeyo oo guul iyo gobonimo waarta ha ku manaysto.

Rashiid Gaaruf

Wakiilka Somaliland ee USA

Washington DC

rgaruf@gmail.com”

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s