“Mashruucan Qoolcaday Waxa Loogu Tallo Galay Inuu Deegaankan Nooleeyo” Wasiirka Madaxtooyada JSL

Hargeysa, Somaliland, July 3, 2016 (Saxafi) – Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta ka qayb galay munaaisbad  oo laga dhawaaqay is af garad laga gaadhay Muran ka dhashay mashaariic ay Xukuumaduu ka wado banka Qoolcaday.

Wasiirka Madaxtooyadda  Maxamuud Xaashi oo hogaaminayey watfi balaadhan oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa khudbad ka jeediyey munaasibadaasi oo ka dhacday Deegaanka Qoolcaday, waxana hadaladiisii ka mid ahaa “ ILAHAY ayaa (SWT) ku mahadsan madashan iyo maalintan qiimaha leh ee aynu halkan isugu nimid, dhamaan waan u mahad naqayaa mudanka Cuqaal, Salaadiin, waxgarad, masuuliyiin dawladeed siyaasiyiin iyo gudoomiyeyaasha Xisbiyada KULMIYE iyo UCID ee munaasibadan inagula sugan. Horumarku waa wax aadamuhu u baahan yahay, waa waxa uu ku kala hana qaado, waa waxa uu maanta ku kala sareeyo, ILAHAY Ibnu aadamka waxa uu abuuray isaga oo siman, isaga oo qaawan midabka ayuu ku kala duwanaadaa, yasayeeshee qaabka kale waa isaga mid, xaga ILAHAYNA wuxuu ku kala mudan yahay cabsidiisa, aduunka inta Aadamuhu qiyaasana wuxuu ku kala bataa sida uu u kala horumar badan yahay.”

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay damaysay Qorshe Horumarineed oo dalka oo dhan ah waxanau yidhi “ Umaddi waxay ku horumartaa adeegeeda bulshada oo kor loo qaado sida mashruucan aynu maanta wadno Biyo iyo Caafimaad, iyo kaabayaasha dhaqaale ee kale sida wadooyinka Dekedaha iyo Madaarada. Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo qorshe ayey dalkan u samaysay oo aan hore u jirin, qorshahaasi wuxuu ka turjunayaa horumarka wadanka.  Deegaan walba waxaanu u qorshaynay wuxuu u baahan yahay, Cadaalad ayaanu gobolada ugu qorshaynay, bankani biyo ayuu u baahan yahay, mashruucani wuxuu ka turjumayaa qorsheyaashaasi.”

Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi ayaa geesta kalena ka hadlay is afgarad laga gaadhay is fahan waa hore ugu dhashay mashaariicdaasi Qoolcaday laga waday waxaanu yidhi “ Xoogaa is fahan waa ah ayaa mashruucan ka soo baxay, mashruucan in cid lagu keeno iyo in cid lagu soo daabulo looma samayn, waxa loogu tallo galay inuu deegaankan nooleeyo, oo silig lagu xidho, seerihii uu ahaan jirayna laga dhigo, dadka munaafacaad-sanayaana waa intaa taala, cid lagu soo rarayaa ma jirto, Nasiib darro waynu isla garan waynay.”

“ Mashaariicda horumarinta dalku waa laba midi dan qoys iyo dan deegaan weeye midna waa dan qaran, mashuucan biyuhu waa dan Umadeed, haday deegaankan odayaashiisu yidhaahdaan la samayn maayo, dawlad ahaan ka yeeli mayno, Umaddu biyo ayey u baahan tahay, Umaduna way badan tahay, deegaankani wuu qayb sanaa Diidmadana nin kaliya ahi ma laha. Koox kaliyahina ma laha, cadaaladu waxa weeye in aqlabiyada dadka deegaanka la eego waxay doonayso, biyuhuna waa lagama maarmaan, hadii ay diidaan intii diidanayna xoog ayaanu ku qodi lahayn, Riigana waxaanu halkaa u dhignay inaanu dadka qancino, dawlad mudakar ah oo majuura ayaanu nahay, oo aan xooga ku bilaabin ee dadka qancisa, caqligaanu dadka ka korinaa, Cududuna Dawladnimada ayey ka mid tahay hasayeeshee waynu isla garanay, meel fiican ayeynu isla dhignay, waxana inoo balan ah wixii aynu ku heshiinay.”

Wasiir Xaashi ayaa Xusay in arrinta Seeraha banku ay tahay mid deegaan, hadii dadka deegaanku ay diidaana aanay Xukuumad ahaan khasab ku fulinaynin waxaanu yidhi “ Siligu waa dan deegaan, xoogna ku fulin mayno qasbina mayno, haday deegaanku diidaan faraha ayaanu ka qaadaynayaa hada ayaanu idiin sheegaynaa.”

Ugu dambayntii Wasiirka Madaxtooyadda ayaa ka hadlay sida ay ugu go’an tahay Xukuumad ahaan in la fuliyo mashaariicda danta u ah Qaranka Somaliland waxaanu yidhi “ ILAHAY masuuliyada wadankan cid ayuu u dhiibay, Xukuumadii la doortay ayaanu nahay, hadii aynu yeedho yeedho ku baqo guulno socon mayso, waxaan leeyahay Hanjabaad igama aha, Kibirna igama aha, waar budh ku maalkana ma naqaano, sidaana ku baqo guuli mayno, Mashaariicda wadankan ee dantu dalka ugu jirto waanu meel marinaynaa, caqli iyo garasho ayaanu ku meel marinaynaa, xoogna waanu ku daraynaa, hoosta ayaanu ka xariiqaynaa.”

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s