Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Ka Jawaabay Eed Ay U Jeediyeen Mulkiilayaasha Wershadaha Biyuhu

 “Caagadda Biyaha markii Dibadda laga keeni jirey ee dawladda dhexena cashuuri jirtay waxa lagu iibin jirey 3500 Sh.Sl, imika oo cashuurtii laga dhaafay waxay siiyaan 4000 Sh.Sl” Cismaan Waxar

Hargeysa, Somaliland, June 26, 2016 (Saxafi) – Xildhibaanadda golaha deegaanka Caasiimadda Hargeysa, ayaa ka jawaabay eedeyn ay dawladda hoose u soo jeediyeen mulkiilayaasha shirkadaha Biyaha iyo Sharaabka oo ka cabanayey cashuur xaqal qashin ah oo dawladda hoose ku soo rogtay.

Xildhibaan Cismaan Waxar iyo Xildhibaan Xasan Shahar, ayaa sheegay  in mulkiilayaasha Biyaha ee ka cabanaya xaqul qashinka laga qaadayo ee lagu ururinayo Caagadaha biyaha ay tahay mid caasimadda lagu hagaajinayo, isla markaana inamadda caagadaha ka shaqaynayana shaqo abuur looga dhigayo.

Ugu horeyn, Xildhibaan Cismaan  Xasan Faarax Waxar  oo ka hadlay cabashadda mulkiilayaasha Warshadaha biyaha, waxa uu yidhi “Miman ah mulkiilayaasha warshadaha Biyaha iyo Sharaabka oo ka cabanayey dawladda hoose, waxaan nimankaasi ka dhex muuqday Maayarkii hore ee Hargeysa Jiciir iyo wasiirkii hore ee Beeraha Dhoolayare, waxaan doonayaa inaan u caqli celiyo nimankaasi, shacabkana u iftiimayo siday wax u jiraan, Caagadda Biyaha markii Dibadda laga keeni jirey oo dawladda dhexena cashuuri jirtay waxa lagu iibin jirey saddex kun iyo shan boqol, imika oo cashuurtii laga dhaafay waxay siiyaan afar kun oo Shilin Somaliland, masaafo la soo qaadayna aanay jirin, bad ay soo martayna iyo maraakiib la soo saarayna aanay jirin, waxa kalena iskuma hayno ee caagadahan la daadinayo aynu dadka ka naxnee nala qaybsada guritaankeedda,  cashuurta warshadda sanadkii laga qaadaa waa shan boqol oo kun,  toban kun oo shilina sanadkii waa laga qaadaa, markaasu ku leeyahay liisaanka la nagaga qaada xaqal qashinka, waxaan leeyahay Jiciir fooqyaad dhisateen adiga iyo qayrkaa waxaad ka dhisteena waa hantidii umadan, qashinka ogolaada waxa lagaga ururinayo”

Sidoo kale, Xildhibaan  Xasan Cabdi Cali (Xasan Shahar) ayaa isna ka hadlay cabashadda mulkiilayaasha warshadaha biyaha iyo sharaabka iyo  dad ka hadlay dhul WFP lahayd oo dawladda hoose muwaadiniin siisay.

Xildhibaan Xasan Shahar oo dadweynaha u sharaxaya khilaafka warshadleyda Biyaha iyo Sharaabka waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “markii aanu cashuurtan soo saaraynay  haddii ay sidan oo kale u ogaan lahaayeen  (Warshadleyda Biyaha) way kala qaybin lahaayeen oo xildhibaan kasta hadii ay wax  u dhiibaan go’aankani muu meel mari lahaayeen,  waayo sidan uu Jiciir (Maayarkii hore ee Hargeysa) u hadlayo ee uu u ordayo ayaan arkayaa hawshani noomay socoteen haddii wakhtigaasi ogaan lahaayeen, ilaahay waxaan uga mahad naqayaa bishii doodiisu halkan ka socotay wax faro gelin ah cidina naguma samayn, dhaqaalahoogaana ilaahay wuu naga asturey iyagan indhahooga xidhnaa, waxa aanu ka shaqaynayna maaha wax anaga dantayadda ah ee waa dan guud, caasimadda horumarka baanu la doonayna bilicdeeda doonaynaa, maayar baad ahaan jirtey inaad warbaahinta soo hor fadhiisato may ahayn oo aqoon tan ka badan ayaanu kugu tuhmaynay, laakiin dantiisa aqoon baad noqotay, haddii aad caagaddii yarayd ee biyaha ee aad kii ka soo iibiyey toban jeer ka soo cashuuray in aad anaga caqal qashinka noo diidda ceebay kugu tahay, Litirka naaftadda ah ee Yurub laga keeno ee boqolka wadan soo dhex maraya inay isku qiimo noqdaan caagadeena biyaha ee wax walba bilaash u tahay, haddii ay tahay biyaha, haddi ay tahay qalabka la soo degaan haddi ay tahay caagadaha ay soo iibsadaan marka dekadda ka soo degayaan inta waa bilaash, hadana waa isku qiimo litirka Naaftadda ah, halka litirka Naaftadda ahna la siiyo afar kun, bal qiyaas litirka Naaftadda intaas oo wadan buu soo maray oo cashuuro badan ayaa laga soo qaaday, halka Warshadaha biyaha qalabkooddu cashuur dhaaf yihiin, caagaha ay soo iibsadan dekada cashuur dhaaf looga dhigay bal isku qiyaas kii intaas oo cashuur soo maray iyo kii bilaa cashuurta looga dhigay inay isku qiimo noqdaan, Tijaarka haddii uu ilaahay lacag siiyo dadka inaad dulmidid laguma siin ee dadkan ilaahay baa leh, haddii tijaarku naaxo ilaahay oo inaga qabta mooyee wax inaga qaban kara ma jirto,tijaarteenu ma moodidi nay arkayaan dadkeenu nolosha ay ku nool yihiin, waxaanay dareemeen in haddii dawladnimadda la waayo in inanka yar ee digaarka fadhiya baad ka qaadayo”

Mar uu ka hadlayey  cashuurtan laga qaadi doono shirkadaha biyaha iyo sharaabka halka ay ku dhacayso, waxa uu yidhi “lacagtan waxaanu doonayna in aanu camal ugu samayno kun dhalinyaro ah, intiinan qofkii keena boqol caagadood oo suuqa ka soo ururiya u siinno sodan kun oo shiling si aanu isaga miisaan ugu dhigin, anagoo xoogiisa ilaalinayna iyo xuquuqdiisa oo boqollka xabo wuu soo xamaali karaa waanu soo qaadi karaa, waa isku tag oo dawladdii hoose iyo kuwii qashinkan soo saarayey isku darsanayaan oo caagadaha suuqa lagaga ururinayo, shirkadahan dawladda hoose ay wada shaqeeyaan ee qashinka waxa sameeyey Maayar Jiciir waana miino uu noo sii dhigay, waanan ixtiraamnay heshiishkaasi mar haddii ay shaqo abuur samaynayaan, iyadoo waliba la nagu canaanto”

Xildhibaan Xasan Shahar oo ka hadlay laba muwaadin oo dhulkii ay siiyeen  mid ka mid ah lagu qabsaday oo muran ka dhashay, waxaanu sheegay in labadda muwaadin ee dhulka ay siiyeen in midna lagu qabsado ka kalena loo ilaaliyo qabyaalad awgeed ay khalad tahay, isagoo arrimahaasi sharaxaya waxa uu yidhi “Qabyaaladdu waa wax xun waa waxa dawladdeena burburinaya, Ina Cigaal wuxuu asxaabta u sameeyey si looga baxo qabyaaladda, madaxweyne Siiaanyana waxa uu u furay xisbiyadda si aqoonyahanaddu u helaan meel ay madaxa kala soo galaan taladda wadanka ayuu u furay, ururadiina reero ayey isku bedeleen, qabyaaladiina way inagu noolaatay, maalin dhowayd waxa Tv-yadda ka hadlayey niman dhul ku yaala Axmed dhagax ka hadlayey, waxaan ahay xoghayaha guddida dhulka, anagana dhulka bixina cidda aan doonana siinna, cidda kaliya ee go’aankayaga burin kartaana waa guddida fulinta, waa xoghayaha fulinta, maayarka iyo maayar ku xigeenka, dhul waxa jirta laga siiyey WFP xaga sare,  dhulkaasi dawladda hoose ayaa bixisay, dawladii hoose ee bixisay wakhti bay siisay wakhtigii la siiyey cidii ka soo bixi wayda dawlada hoose iyadda u talisa dhulka, dad muwaadiniin ah ayaanu siinnay, labaddii nin ee dhulka la siiyey haddii midna reerkeena ka dhigna kii kale diidno in dhulka la siiyo sow khalad maaha, dee dawladnimo jiri mayso labadda nin anaga wadda siinay laakiin midna in seeskiisa la dumiyo midna la ilaaliyo waa khalad ka baxsan dawladnimadda, raggii hadlayey waxaan leeyahay haddii xoghayaha ku kalsoonaan waayaan dee yey ku kalsoonaan, caasimadddu way isku dheeri tiran tahay, waxaana la iskugu dheeli tiray si muraayadda la iskaga dhex arko, go’aankan labadda qof lagu siiyey dhulkaasi waxay ka soobaxday go’aan guddi fulineed oo waxa wada saxeexay maayarka, maayar ku xigeenka iyo xoghayaha fulinta, marka yaan nina reernimo lagu taageerin midna reernimo lagu fogayn, waa ceeb, dawladda hoose dhinac walba iyada ka masuul ah, haddii aad wax khalad ah aragtaan dee waxay ahayd inaad timaadaan oo xildhibaabadda deegaanka oo wakiil ka ah deegaanaddooda inaad waydiisaan, xildhibaanaddii baa xiitaa yaaban, cida cabanaysa haddii ay qancin u baahan yihiin ha yimadaan dawladda hoose oo ha ku soo horeyso  waaxda degmadoodda”

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s