Faysal Cali Waraabe: “Guddida Doorashooyinku Haduu Maanta Joojin Kari Waayo Ololaha Kulmiye Iyo Waddani, Berri Wax Ka Weyn Ma Joojin Karo”

“Haddii ay dawladdu ka baqayso Cabdiraxmaan Cirro isagoo lacagtii dawladda isticmaalaya oo uu leeyahay guddoomiyaan ahay, anagu ka xishoon mayno”
“Imika Saaxil bay ka bilaabmaysaa oo geeri baa ka dhacday oo arrin fool xun baa ka dhacday oo rabshadaa ka dhacay arrintii weli way taagan tahay…”
Hargeysa, Somaliland, March 8, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa sharci daro ku tilmaamay olole hoose oo uu ku eedeeyay inay xisbiyada Kulmiye iyo WADANI ka dhex bilaabaan wakhtiga diiwaangelintu goboladda ka bilaabanto.

Guddoomiye Faysal Waraabe ayaa guddida doorashooyinka usoo jeediyey inay tijaabo ku tahay wax ka qabasahadda ololaha hoose ee xisbiyadda kale ka dhex bilaabayaan wakhtiga diiwaangelintu ka socoto goboladda, isla markaana guddida doorashooyinka ku dhaliilay wax ka qabasho la’aantaasi arrintaasi.
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa gudoomiyaha dhigiisa ah ee WADANI ku eedeeyey inuu lacagtii baarlamaanka u adeegsanayo ololaha xisbigiisu ka dhex waddo goboladda, waxaanu xukuumadda usoo jeediyey inay wax ka qabato si goob banaan ugu tartamaaan.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in diiwaangelinta gobolka Saaxil ka bilaabmaysa aan buuq iyo xasad loo horseedin maadaama oo wali ay taagan tahay murankii deegaanka la iskugu haystay ee Saaxil, waxaanu usoo jeediyey inay labadda xisbi ee kale joojiyaan hadaladda xanafta leh ee goobaha marayaan ka soo jeedinayaaan.
Sidaasna waxa uu ka sheega mar uu shalay warbaahinta kula hadlayey magaaladda Hargeysa, waxaaanu hadalkiisa ku bilaabay “Diiwaangelinta waxa weeyi laba diiwaangelin ayaa isdaba socota tii muwaadinimo iyo tii codeynta, si dadkeenu xuquuqdiisa u muujiyo oo tii muwaadiimo iyo tii codeynta u sameeyaan, waxaan ku hambalyeynayaa qalabkan diiwaangelinta lagu samaynayo oo ah qalab fiican oo qabanaya qofkii is yidhaa ku celceli.”
Mar uu labdda xisbi iyo ololahoodda hoose ka hadlayey inay joojiyaan waxa uu yidhi “Waxa hadda la bilaabaya Saaxil, waxa qudha ee aan ka digayaa labdda xisbi ee kale waxay bilaabeen inay ku dhex ololeeyaan oo oolihii doorashada ka dhigaan, iyagoo weliba awoodii dalka haya, waad ogtihiin oo way isku qabsadeen oo way isku hanjaben markii gobolka Awdal marayeen, labaddii wefti baa isku dhici gaadhay, imika Saaxil bay ka bilaabmaysa oo geeri baa ka dhacay oo arin fool xun baa ka dhacday oo rabshadaa ka dhacay, arrintii weli way taagan tahay oo waxaanu ku soo heshiinay in diiwaangelinta ka bacdi la galo arrimihii muranka dhaliyey, iyadoo arrimuhu kacsan yihiin haddii olole laga dhex bilaabo waxa iman doonta dhibaato, waxaan leeyahay Guddida doorashooyinka horana waraaq waanu ugu qornaynay hadii uu maanta joojin waayo ololaha ay dhexgalinayaan labadda xisbi ee kale barrina wax ka weyn ma joojin karaan, waxaan leeyahay ha la joojiyo ololahan, xildhibaanadda baarlamaanka ee WADANI u ololaynayaa ha joojiyaan weli kuwii kale may soo bixin ee marka uu xildhibaanku cid u ololaynaya waa inuu xilka ka tagaa weeyi, Cabdiraxmaan Cirro (guddoomiyaha Wakiiladda) waa inuu xilka ka tago weeyi, haddii ay dawladdu ka baqayso Cabdiraxmaan Cirro isagoo lacagtii dawlada isticmaalaya oo uu leeyahay gudoomiyaan ahay anagu ka xishoon mayno, xiitaa wuxuu kaxaysanayaa shaqaalihii baarlamaanka oo waxa la socday xoghayihii golaha Wakiiladda oo lacagtii daba siday haddii wax laga qaban waayo dee anaga iska qabanayna, nin gudoomiye baarlamaan ahi inuu nala tartamo maaha, maxaanu barii hore u gali weynay baarlamaanka aniga iyo Siilaanyo waanu isku qori karaynee, marka waxaan leeyahay xisbiyadu ha ka daayaan ololaha oo wacyigelintii dadka dhex socota oo lacag badani ku baxday, anagu waxaanu xaq u leenahay waa kormeer uun oo wixi khaldan gudida doorashooyinka u sheegno, anagu ogolaan mayno laba gudoomiye oo midna xukuumaddii ka socda midna baarlamaankii ka socda, marka saddexda xisbi ololaynaya waa in la sinaadaa, anagu ka baqan mayno WADANI iyo KULMIYE, waxaana leeyahay xisbiyaddu qabyaaladda ha ka baxaan. ”
Labada xisbi ee WADANI iyo kulmiye ayaa olole adag ku dhex jira wakhtiga diiwaangelinta ka socoto goboladda, waxaana marar qaarkood keentay in weftiyadda labadda xisbi ka kala socdaa goobaha iskugu yimaadaan isku dhici gaadhaan.
Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s