Siciid Maxamed Daahir: Astaantii Dadnimada!

Diyaar-garow waxbarasho ayaan ku jiray. Kulan aan qorshaysnayn ayaannu si kedis ah ugu kulanay mid ka mid ah dadka aan aqoonta iyo diinta ba ku ixtiraamo ee dalka. Annagoo wada hadlayna, ayuu alleenka gacanta ee aan sitay soo dhacay, anigoon eegin ayaan hoos u dhigay.

Mar kale ayuu soo dhacay, haddana eegay oo dhigay. Mar iyo marar ba markii aan iska indho-tiray, ayaan eegay, waa xaaskayga, Yasmiin Maxamed Kaahin, markaas ayaa dareenkaygu I waydiiyay waxa dhacay. “Shir baan ku jiraaye maxaa dhacay,” ayaan waydiiyay Yaasmiin intaan telefoonka ka qabtay. Markaas ayay igu tidhi, “Ma maqashay geerida?” Qiyaastii daqiiqad ku-dhawaad anigoon u jawaabin, ayaan ku celiyay, “Kumaa dhintay?” “Siciid Maxamed Daahir” ayay ii celisay. Astaamaha naxdinta weeye inaad garan ba waydo qofka laguu sheegayo magaciisa marka geeri sidan u xanuun badan aad maqasho. Waan garan waayay. Mar kale ayay iigu celisay. Markaas ayaa sidii naftaydu ay didday telefoonku iga dhici gaadhay. Uma socdo inaan sharraxo ilmada ay amar-la’aan indhahaygu qubeen, gacmaha iyo lugaha I gariiray iyo kursigii aan ku fadhiyay ee aan sida dangiigsiga leh aan uga buuxsaday sidii uu dhulku ila dhaqaaqay, waxaanse ku noqday xusuustii barashadayada isugu kaaya horraysay;
Subaxnimo hore ayuu qolkii aan degganaa igu garaacay. Walow jaamacaddu fasax ahayd oo qorshahaygu ahaa inaan sii hurdo, haddana waxaan maqlay sanqadha albaabka la garaacayo. Intaan isjiidayay ee aan hurdada il ku kaydsanayay, ta kale na aan isaga eegayay halka albaabku iga xigo, ayuu ii raaciyay, “Waryaa Barkhad, inna mari, waa maxay xilliga aad huruddaa.” Markaas ayaan gartay in uu yahay Khadar Maxamed Cakulle, suxufi waayo-arag ah oo ka mid ahaa ardaydii aannu jaamacadda wax ku wada baranaynay. Intaan albaabkii ka furay, ayaan ku idhi, “I sug aan soo baxee” “Hoosta ayaan kugu sugayaa ee soo bax,” inta uu yidhi ayuu dhaqaaqay.
Waa 25-kii bishii saddexaad ee 2008. Waa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya. Degdeg ayaan u soo baxay, anigoo hoosta iska waydiinaya halka loo socdo. Markaan soo gaadhay baan waydiiyay, “Halkaynu tegaynaa?” Wuxuu Khadar iigu jawaabay “Koox dhallinyaro ah oo halkan jaamacado ka dhigta, badankooduna dalkii ka yimi ayaynu u tegaynaa.” Tagsi baannu qaadanay, waxaananu tagnay meel lagu ballansanaa. Bas yar oo kuwa caasiga loo yaqaanno ah ayaa waxa ka soo degay dad dhalinyaro u badan oo diyaar-garow safar ka muuqdo. “Halkee la tegayaa?” ayaan Khadar ku celiyay, “Waxaynu tegaynaa meel halkeer ah oo loo dalxiis tago,” ayuu igu yidhi. Anigoo dalxiiskaas hoosta ka jeclaysanaya, ayaan indhaha mariyay dhalinyaradii, mise mid aan ka garto waan waayay. Wiil dhuuban, cas oo qosolka uu mar walba dhoollacaddaynayo ay ka muuqato in uu farxad u dhashay, ayaa u soo horreeya. Intaan eegayay ayuu isagoo sidii u dhoolla-caddaynaya I soo gaadhay. Sidii qof I garanaya ayuu si kal iyo laab ah ii salaamay, aniguna uga qaaday. Waa wiil ilko dabar ah leh, ka muuqato dabeecad wannaaggu, saa annagoon is-garanayn ayuu dareenkaa iyo salaantaa aad mooddo inaanu waligayo isnaqaannay igu qaabilay. Dhallinyaradu way badnaayeen, waxaanse ka sii xusuustaa Mukhtaar Caydaruus (Dhako), Aadan Allaale, Mubaarak Colaad, Khadar Maxamed Cakulle iyo arday badan oo kale.
Safar gaaban baannu galnay. Inta la saaran yahay gaadhiga ee la sii socdo, dadka kaftamaya ee sheekaynaya waa ka mid. Hadal deggan, cod dabacsan iyo ereyo miisaaman ayuu u badnaa kaftankiisu. Ma ahayn qof xilli-hadla ee wuxuu ahaa qof xikmad-hadla. Maalintaas ayuu kulankayagii u horreeyay ahaa aniga iyo Ilaahay ha u naxariistee Siciid Maxamed Daahir. Laga soo bilaabo ilaa wakhtigaa xidhiidhkayagu wuxuu ahaa mid taxan oo inta badan iska war qabno. Inkastoo is-aqoonkayagu bishan sagaal sanno jirsatay, haddana waan ogahay oo way jiraan dad iga badiya Siciid Maxamed Daahir.
Muddo kooban baan anigoo halkii fadhiya ayaan saaxiibtinnimadii sannadahaa soo taxnayd aan xusuusta dib ugu celiyay. Mar kale ayaan isweydiiyay “Goormaa isugu kiin dambaysay?” Ma fogayn ee kulankii u dambeeyay ee fool-ka-fool aannu u kulannaa waxay ahayd 25 February 2016. Waxay ahayd Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxaannu aniga, isaga iyo Dr. Adam Yusuf Abokor wada qorshaynaynay kulan-aqoonneed ay qabanayeen. Kulankaa kii ka horreeyay oo toddobaddadaas ahaa, waxaannu in badan isla meel dhignay qorshayaal bilowgooda bisha soo socota ee afraad ibo-furanayeen. Ilaahay baan qaddarin!
Siciid wuu badnaa, kaliya ma ahayn qof bulshada guud ahaan, gaar ahaan dhallinyarada hormood u ah, wuxuu ahaa halabuur. Wuxuu ahaa curiye suugaaneed. Dib baan u eegay farriimihii aannu isweydaarsannay dhinaca shabakadaha bulshadu ku xidhiidho ee Facebook, waxa na dhexmartay oo aan ku bogaadinayay tuducyo uu ka yidhi dadka la haybsooco. “Gartaa ani I waydii” ayay ahayd hal-qabsiga maansadu. Kal hore bishan oo kale 03/03/2015 ayuu curiyay maansadaas. Waxa ka mid ahaa meerisyadeeda;
Adigoo gef kula kacay,
Mar haddaanu kaa go’in,
Xarbi aanu kula gelin,
Geyigaba ka haajirin,
Amma gacanta kuu dhigan,
Gabooyuhu gob weeyee,
Gartaa ani I waydii!
Mar kale isagoo sifaynaya qabyaaladda iyo dhibaatada ay dalka iyo dadka ku hayso, wuxuu yidhi;
Sanku-neefle gebigii,
Naxli baad ku beertaa.
Nasteexii sokeeyaha,
Nusqaan baad ka yeeshoo,
Nacaybkaad ku raysaa.
Noloshiiba dheeliday!
Wuxuu ahaa qof ka soo baxay xilkii saarnaa. Wuxuu gutay waajibkiisii adduunka iyo aakhiro ba. Wuxuu buuxiyay kaalin iyo kaalmo aanay gedehiisu gelin. Waxaad ka garanaysay sida maanta loo aasay. Tobannaan kiilo-mitir ayaa gaadiidku is-daba socdeen marka maydku yaallay xabaasha. Waxaan marag ka ahay in uu ahaa qof af-gaaban, waxgarad ah, horumar jecel oo qof walba la taliya, dadka Ilaahay na ka nabadgaleen. Qofka doonaya inuu ogaado sida dadnimada iyo wanaaggeedu u egyahay ee yaqaannay Ilaahay ha u naxariisto’e Siciid Maxamed Daahir, uma baahna in loo tilmaamo dadnimo caynkay u egtahay. Wuxuu ahaa astaantii dadnimada.
Barkhad M. Kaariye
 
Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s